Sabti, January 24, 2009(HOL): Bilihii ugu dambeeyay waxaa mar kale soo cusboonaaday dagaallo u dhaxeeya Beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo kala dega Goballada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan, waxaana inta la og-yahay tan iyo wixii ka danbeeyay hishiis ay horay u gaareen ku dhawaad 20 ruux kadib markii ay weerarro gaadmo ah ay ku qaadeen kooxo hubeysan oo ka soo kala jeeda labada dhinac.
Guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan Max'uud Axmed Xooshow (Korantaale) ayaa sheegay in uu jiro dadaal ay wadaan Odayaal iyo Waxgarad ka soo kala jeeda labada beelood si markaas loo soo af-jaro Colaada, waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan Odayaal ka kala tagay deegaannada Maxaas, Aadan Yabaal, Jalalaqsi, iyo waliba Ceel-baraf kuwaas oo la filayo in ay ka baaraan dagaan halka rasmiga ah ee la dhigayo gogasha dib u hishiisiinta.
Nabadoon Xooshow oo ay HOL weydiisay halka ay ku danbeeyaan guddi Duubabka labada beelood ay u saareen la socoshada cidda jabisa heshiis horay u dhexmaray labada dhinaca, ayaa waxaa uu sheegay in gudigaasi wali uu jiro isla markaana qeyb ka yahay dhinacyada wada dadaalka hada socda, waxaana uu intaas sii raaciyay in macnuhu aheyn is-eedeeyn iyo wax la mid ah laakiin rabo oo kaliya in hishiis la gaaro.
Iskastoo sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Goballka Hiiraan la wado qaban-qaabada gogol Nabadeed, ayaa hadana waxaa dhinaca kale xusid mudan in horay labada beelood ay u gaareen heshiis ay kala hoggaaminayeen Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Imaan Max'uud Iimaan Cumar kaasoo u muuqda mid hadda meesha ka baxay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Odayaal ka soo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo wada dadaallo lagu dhameynayo Colaadxa u dhaxeysa beelo kala daga labada Gobol
More News
- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay uu geystay Nin Ajnabi ah
- Maxaa ka socda Jibouti?
- 15 Ruux oo ku geeriyootay Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay iyo Ciidamada Amisom oo Duqeeyay Suuqa Bakaaraha
- Xildhibaannadii ugu dambeeyay oo saaka labo diyaaradood ay ka qaaday Magaalada Baydhabo
- Gabdhaha Kubadda Kolayga HEEGAN IYO HORSEED oo isugu soo haray ciyaarta kama dambeysta ah ee Horyaalka 25aad ee Kubadda Kolayga Soomaaliya
- Isbitaalka SOS oo si rasmi ah u shaqo bilaabay kadib bixitaankii Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho
- Waxyaabihii keenay dagaalladii ka dhacay Wadajir iyo Dharkeenley oo maanta la xalinayo
- Munaasabad lagu maamuusayay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, laguna taageerayay hannaanka Nabadda ee Jabuuti oo ka dhacday Magaalada Qaahira
- Ardeygii Soomaaliyeed ee lagu dilay Malaysia oo la aasay