Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Khamiis, January 15, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo isagoo Muqdisho ka dhoofayay warfidiyeenno kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu go’aankaas qaatay kadib markii uu helay talooyin ku saabsan in uu xilkaas isu soo sharaxo, talooyinkaas oo uu xusay in ay uga yimaadeen Dad ku jira Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwo bannaanka ka ah iyo weliba shacabka Soomaaliyeed.

“Dadkaas waxay igula taliyeen in aan isku soo taago xilka madaxweynenimada Soomaaliya, isla markaana aan caddeeyo waxyaabaha aan doonayo in aan sameeyo Mustaqbalka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo u amba baxay Dalka Jibouti.

Ku dhawaaqidda uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo la filayo in dhawaan Jibouti lagu mideeyo Xildhibaanno ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana ay doortaan guddoomiye Baarlamaanka iyo Madaxweyne isna soo magacaabi doona Ra’iisal Wasaare, waa haddii aan wax laga bedelin qaab dhismeedka Dowladda soo socota.

Sidoo kalena, Hadalkan uu sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) uu  dhawaan sheegay in 26-ka bishan Baydhabo lagu dooranayo Madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia