Golaha Aqoonnyahanada Goballka Hiiraan oo soo dhaweeyay bixitaanka Ciidamada Itoobiya

Khamiis, 15, Janoury, 2009 (HOL)  Golaha Aqoonnyahanada Goballka Hiiraan ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in ay tahay tallaabo soo dhaweyn mudan ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho oo ah halka saldhiga u ahayd joogitaanka Ciidamada.
 
Guddoomiyaha Golaha Cismaan Max'uud Cilmi (Caato) oo ku saxiixnaa qoraalka uu soo saaray Golaha ayaa sheegay in bixitaanka Ciidamada Itoobiya uu meesha ka saarayo culeys dhinaca Nabad-galyada ah oo markii hore la soo darsay inta badan shacabka Soomaaliyeed oo qaarkood labadii sano ee la soo dhaafay ahaa kuwo bannaan yaal ah isla markaana maciin biday geedaha hoostooda.
 
Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu intaas raaciyay in mar haddii ay meesha ka baxeen Ciidamada Itoobiya loo baahan yahay in wixii hadda ka dambeeya in laga fakaro Siyaasad qorsheysan oo lagu samata bixiyo dadka ku soo daalay Colaadaha, laakiin waxaa uu ka digay in mar kale ay dhacaan dagaallo ku saleynsan loolan dhinaca Siyaasadda ah.
 
Golaha Aqoonnyahanada Goballka Hiiraan oo qoraalka ay soo saareen uu ahaa mid aad u  dheer ayaa sidoo kale waxaa baaq loogu soo jeediyay dhinacyada Siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, waxaana uu Golahu ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto dib u dhiska dalka halkii koox walba ay ka fakari laheyn danaha iyada u gaarka ah.
 
Sidoo kale Goluhu waxaa  waxaa uu sheegay in uu jiro ififaale u muuqda mid Nabadeed mar haddii laga soo gudbay waqtigii Qabiilku taliyay isla markaana kooxaha hadda jira oo idil yihiin kuwo u bisil dhismaha Nidaam ugu yaraan keeni kara is-badal laga gaaro dhinacyada Nabad-galyada iyo Siyaasadda.
 
C/raxmaan Diin, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia