![]() |
| Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab- Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur |
“Waxaan leeyahay Bo-huko Beenaale (Afhayeenka Amisom) haddii aad maqli jirtay waxaa la garaacay Warshadda Baastada, Xeyla Bariise, Isbartiibo, Florenza iyo Madaxtooyo, hadda wixii ka dambeeya waxaad maqli doontaa waxaa la garaacay ama la weeraray Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4”ayuu yiri Abuu Mansuur.
“Ciidamada Amisom waxaan leenahay Wadankeena nooga baxa, ma jiraan wax aad noo heysaan, haddii aad diiddaan waxaad naga sugtaanba waa dagaal”ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur waxaa uu intaas kadib ka hadlay bixitaanka Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo arrintaas balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu rumeysan yahay in aysan Ciidamada Itoobiya ka wada baxeynin Soomaaliya, “Waxay tegi doonaan Bay, halkaasi oo ay dhihi doonaan Dowlad ayaan ku waardiyeyneynaa”ayuu yiri Abuu Mansuur.
“Itoobiya Arrimaha Soomaaliya faraha kalama baxeyso, hadana waxay dooneysaa in ay dagaal weji kale ka abuurto, sidii aan maalmo hore sheegay waxay abaabul ka bilaabeen Gobollada Galgaduud, Hiiraan, Bay iyo Bakool iyo Gedo, halkaasi oo ay ku hubeyneyso xoogag iyada u daacad ah”ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuu Mansuur.
“Maalin dhaweyd waxaad maqleyseen in hoggaamiye kooxeedyadii Umadda baabi’iyay ay lahaayeen waxaan nahay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, qorshahaas waa mid ay Itoobiya ka dambeyso, Aadan Garaaso, Xaabsade iyo Barre Hiiraale ayaa sheeganaya in ay yihiin Ahlu Sunna Wal-jamaaca, arrintaas ma sax baa?, waxaan leeyahay Ahlu Sunna Waa Dad la yaqaano oo Sunnadii Rasuulka heysta”ayuuna yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Ugu dambeyntiina, Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ahaan ay go’aansadeen in aysan ka mid noqon xoogagga Muqaawamada ee la wareegaya meelaha ay banneeyeen Ciidamada Itoobiya, “Markii ay Ciidamada cadawga goobahaas ku jireen ayaa la dhihi jiray {aniga ayaa la dagaalkooda ku hormaraya} ee hadda oo ay ka baxeen in loo kala hormaro wax macno ah ma lahan”ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
