Baaqyada ku saabsan in ay Dadka Soomaaliyeed wada hadlaan oo isa soo taraya

Khamiis, January 15, 2009(HOL): Waxaa  isa soo taraya baaqyada ku saabsan in ay dadka Soomaaliyeed wada hadlaan kadib marka ay dalka Soomaaliya ka dhamaadaan Ciidamada Itoobiya, waxaana baaqyadaas kuwii ugu dambeeyay soo jeediyay aqoonyahan Dr. Cali C/raxmaan Xirsi, Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Maxkadamaha Islaamka.

Abwaan Abshir Bacadle ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo guul weyn ay u soo hoyatay looga baahan yahay in uu is-cafiyo, isla markaana uu ka wada hadlo sidii ammaanka loo sugi lahaa, aayahiisana uu uga tashan lahaa.

Waxaa uu sheegay Abshir Bacadle in aysan dhicin waxyaabo uu ka baqayay oo ahaa in marka ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan ay Xoogagga Muqaawamada dagaal iskala hor-yimaadaan.

“Waan jeclaan lahaa in Ciidamada Itoobiya ay baxaan iyagoo dhiig leh oo dhaawac ah, meydna wata, hadana waxaan qabaa in loo turo shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku soo jiray”ayuu yiri Abshir Bacadle.

Dr. Cali C/raxmaan Xirsi oo ka mid ah Aqooyahannada Soomaaliyeed ee wax laga warsado sida looga bixi karo dhibaatooyinka ka jira Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay wax la soo dhaweeyo tahay in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, wuxuuse ka digay in ay talada faraha ka baxdo.

“Aniga waxaan qabaa in dadka isu yimaado oo wada hadallo la furo. Waxaan maqleynaa waxaa la dhisayaa Dowlad-Midnimo-Qaran oo ay wada dhisayaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, waxaan leenahay inta aan dowladdaas la dhisin hala doono dadka aan geedi-socodkaas ku jirin”ayuu yiri Dr. Cali C/raxmaan Xirsi.

Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu isna ku baaqay in ay shacabka Soomaaliyeed is-cafiyaan, isu tanaasulaan, isla markaana ay Allaah uga mahad-naqaan guusha uu siiyay.

Shiikh C/qaadir waxaa uu baaq kale u diray Xoogagga Muqaawamada, wuxuuna kula taliyay in ay ka digtoonaadaan in ay is-eeg-eegaan, “Xoogagga Muqaawamada waxaan leeyahay gacmaha is-qabsada, ammaankana si wadajir ah u suga”ayuu yiri Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo soo dhaweeyay in ay Xoogagga Muqaawamada ay haatan ku wada sugan yihiin meelihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia