Qaar ka mid ah Caruurta Derbi-jiifka ah ee Magaalada Hargeysa oo loo qaybiyay Dhar iyo Kabo

Cabirka Farta


Sabti, 10 January 2009 (HOL): In ka badan 600 oo caruur ayaa ku dayacan Darbiyada waaweyn ee Somaliland oo ku sugan xaalad nololeed oo aad uga liidata ta uu qof waliba malayn karayo. Magaalada Hargeysa ayaa ugu badan deegaanada ay ku dayacan yihiin nolosha ubadka yar yar ee aan waalidka lahayn, kuwaas oo inta badan ka soo jeeda Hooyooyin iyo Aabayaal ku baxay dagaaladii dalka ka dhacay.

Gudoomiyaha Midowga Dallada Saxafiyiinta Somaliland USJ Cabdilaahi Maxamed Dahir (Cukuse), ayaa deeq Dhar iyo Kabo isugu jirta gudoonsiiyay 14 ka mid ah Caruurta Darbi-jiifka ee ku dayacan gudaha Magaalada Hargeysa. Deeqdaas oo uu guddoomiyaha ku soo hagaajiyay muwaadin reer somaliland ah oo ku nool dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Siciid X Cawed Cali Sanyare. Lacagtaas uu muwaadinka ka damqaday dayaca haysta dhalinayaradaas ayaa dhamayd $320 (Saddex boqol iyo labaatan Dollarka Maraykanka ah), taas oo loogu soo iibiyay dhar iyo kabo ay xidhaan caruurtan darbi jiifka ahi.

Guddoomiyaha Dalladda Midowga Suxufiyiinta Somaliland ee USJ Mr. Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cabdillaahi Cukuse], isla markaana ah Guddoomiyaha Wargeyska  madax banaan ee Saxansaxo,  ayaa   deeqdan dharka  ah ugu qaybiyay 14 ka mid ah Carruurta Darbi-jiifka ah ee ku dayacan xarunta hoyga u ah ee ku taala koonfurta iskuulka Sheekh Bashiir ee Badhtamaha Magaalada Hargeysa.

Carruurtan darbi jiifka ah ee deeqda la gudoonsiyay, ayaa  da’adoodu u dhaxaysaa 6-jir illaa 14-jir oo danta iyo daranyadu ku kaliftay in ay ku noolaadaan Darbiyada iyo Marin-biyoodyada Magaaladda Hargeysa iyaga oo markii la guddoonsiiyay dharkana wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo baahida ay u qabeen in ay helaan maryo ay ka xidhaan dhaxanta iyo kulaylka dhacayaan isla markaana ay iskaga badalaan, kuwii hore ee ay ku dul googayay ka dib markii ay waayeen wax ay iskaga badalaan.

Guddoomiyaha Daladda Midawga Suxufiyiinta Somaliland ee USJ Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa si weyn ugu mahad-naqay Muwaadinkan u ka damqay dhibaatada Carruutan darbi-jiifka haysay. Isaga oo Cabdillaahi-Cukuse, guud ahaanba ummada reer Somaliland mid Qurba-joog ah iyo mid dal-joog ahba ugu baaqay in ay caawiyaan Ubadka darbi jiifka ah ee aan hel iyo cid u gargaarta haysan ee ku dayacan darbiyada magaalada Hargeysa. Waxaanu guddoomiyuhu mahad naq aad  u balaadhan u soo jeediyay muwaadinka ka damqaday dayaca haysta caruurtan darbi jiifka ah waxaanu ilaahay uga baryay in uu ajar iyo xasanaad ka siiyo ficilkan uu ku dhaqaaqay.

Dhalinyaradan Darbi-jiifka ah ayaa markii ay deeqdan heleen mid kasta oo ka mid ah Carruurtaas loogu labisay isku-joog ka kooban Shaadh, Surwaal iyo Kabo, “Noolow, Illaahay ha ku barakeeyo, waad naga farxisay.” Erayadaas iyo kuwo kale oo badan ayay kooxdan Carruurta Daranyaysan ahi ku dhawaaqayeen, ka dib markii Aradbeelkan la gudoonsiiyay.

Deeqdan lagu caawiyay dhalinayaradan darbi jiifka ah ayaa ka danbaysay ka dib markii ay Wargeyska Madaxa bannaan ee Saxansano ee ka soo baxa Hargeysa uu daaha ka rogay duruufaha qalafsan ee ku xeeran dhalinyaradaas da’da yar ee uu wakhtigu haraatiyay isla markaana wehelka u ah Dhaxanta iyo Bacadka is bedelaya ee ka jira deegaanka ay ku nool yihiin.


Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland