![]() |
| Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) |
Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dib ugu soo noqdo Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in safarro uu ku soo kala bixiyay Dalalka Itoobiya iyo Kenya ay salka ku hayeen xaaladda uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay iyo sida wax looga qaban karo.
“Sida lala wada socdo Beesha Caalamka iyo Dalalka Soomaaliya deriska la ah Arrimaha Soomaaliya saameyn weyn ayay ku leeyihiin, taasi ayaana keentay in aan u baxno safarro aan dalalkaas ku booqaneyno, isla markaana aan kula kulmeyno Wakiillada Beesha Caalamka ee dalalkaas ku sugan”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.
Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo warfidiyeenno kula hadlayay Magaalada Baydhabo kadib ku soo noqoshadiisa dalka Soomaaliya ayaa wuxuu soo hadal qaaday bixitaanka Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Itoobiya bixi doonaan, hayeeshee waxaa uu Beesha Caalamka ka codsaday in ay ku dadaalaan in uusan banaanaasho dhinaca ammaanka ah imaanin kadib marka ay Ciidamada Itoobiya baxaan.
Mar wax laga weydiiyay wax uu kala socdo xarig ay Ciidamo Itoobiyaan ah u geysteen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in xarigga Maxamed Dheere ay ka dambeysay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, uuna la socdo xariggiisa, “Arrintaas waan ogaan doonaa waxa ay salka ku heyso, waxaana idiin sheegayaa in uusan jirin qof sharci darro lagu xiri karo iyo qof sharciga ka sareeya intaba”ayuuna yiri Shiikh Aadan Madoobe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
