Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka digay in lagu deg-dego doorashada madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka

Cabirka Farta

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya- Ibraahim Xabeeb Nuur
Sabti, January 10, 2009(HOL): Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku baaqay in aan lagu deg-degin doorashada madaxweyne ay yeelato dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Xabeeb Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aanu wax macno ah soo kordhin doonin haddii bilaha harsan madaxweyne loo doorto Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna taasi bedelkeeda ku taliyay in la sameeyo dowlad midnimo qaran.

“Haddii madaxweyne loo doorto Dowladda Federaalka Soomaaliya ma jirto cid xaqiijin karta in uu madaxweynahaas ka shaqeynayo nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, sidaas darteedna waxaan ku talin lahaa in aan lagu deg degin doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Ibraahim Xabeeb Nuur oo sheegay in uusan ka soo horjeedin Qodobka 45aad ee Axdiga KMG ah ee dhigaya in 30 maalmood gudahood lagu doorto madaxweyne kadib marka madaxweyne meesha ka baxo, wuxuuna caddeeyay in qodobkaas wax ka bedel lagu sameyn karo marka ay Mudanayaasha Baarlamaanka u fariistaan.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in qorshaha madaxweynaha lagu dooranayo ay gadaasha ka riixayaan xildhibaanno ku sugan Nairobi iyo Baydhabo, kuwaasi oo qaarkood uu hunguri kaga jiro xilka Madaxweynenimada Dowladda Federalka Soomaaliya.

“Xubnahaas waxaa ka mid ah kuwo mas’uul ka ahaa dad badan oo ka barakacay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ay badaha ku dhamaadeen, halka kuwo kalena ay geedaha hoos daadsan yihiin”ayuu mar kale yiri Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Xabeeb Nuur.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka waxaa uu sii saadaaliyay waxa ka imaan kara haddii la qabto doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay taasi iska caddahay ayna keeni doonto in heshiiskii Jibouti uu burburo, ayna meesha ka baxdo nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ay Beesha Caalamka taageersan tahay ee soo socota, wuxuuna ugu baaqay UN-ka iyo guud ahaan beesha Caalamka in ay ka shaqeyso sidii loo dhaqangelin lahaa Heshiiskii Jibouti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia