Dagaal ka dhacay degmada Balcad

Cabirka Farta

Sabti, January 10, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in uu degmadaas saaka ka dhacay dagaal dhexmaray Xoogag Islaamiyiin ah oo halkaas ku wada sugan.

Dagaalka oo ka dhacay Saldhigga Degmada Balcad ayaa wuxuu dhexmaray Xoogag ka kala tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo dhawaanahan ku wada sugnaa Degmada Balcad.

Sida ay noo xaqiijiyeen Dad ku sugan Degmada Balcad, Dagaalka ayaa markii uu cabaar socday waxaa gacan ku heynta degmada la wareegay Xoogagga Midowga Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo la arkayay iyagoo gudaha degmada dhex socda kuna dhawaaqaya Takbiirta Alle.

Laakin Saraakiil u hadlay Xoogagga Al-Shabaab ayaa sheegay in kaliya laga qabsaday Saldhigga Degmada Balcad, ayna ku sugan yihiin meelo ka mid ah Degmada, ayna rajeynayaan in ay gacan ku heynta saldhigga dib u hanan doonaan.

Ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay dagaalkaas waxaa khasaare ka soo gaartay Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.

Waxaa kale oo uu dagaalkaas saameeyay dad badan oo ku dhaqan Degmada Balcad, kuwaasi oo guryahooda ka barakacay markii dagaalka bilowday, iyagoo ka baqayay in ay waxyeello ka soo gaarto dagaalkaas oo rasaas culus la isugu adeegsaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia