Al-Shabaab oo maamul Islaami ah u sameeyay Gobollada Bay iyo Bakool

Jimco, February 20, 2009(HOL): Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa maamul u sameeyay Gobollada Bay iyo Bakool, kadib markii uu dhawaan si buuxda ula wareegay gacan-ku-heynta Gobolladaas.

Shir ka dhacay Xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya uu deganaa ee ADC-da ayaa looga dhawaaqay maamulka labadan gobol, waxaana xafladdii lagu magacaabayay ka qeybagalay Culumaa’udiin, Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda labadaas gobol.

Guddoomiyaha Maamulka labadan gobol ayaa loo magacaabay Shiikh Maxamed Cali, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Shiikh C/llaahi Macallin Axmed, iyadoo sidoo kalena ay jiraan xoghayayaal kale oo ka hoos shaqeyn doona madaxdaas.

Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Bay iyo Bakool Shiikh Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in maamulkooda uu dadka gobolladaas ku dhaqi doono Shareecada Islaamka, isla markaana uu si cadaalad ah ugu shaqeyn doono.

“Wixii ay Mujaahidiinta u dagaallamayeen waxay ahaayeen in Shareecada Islaamka dalka lagu xukumo, maantana taas Alle waa noo suurtageliyay”ayuu yiri Shiikh Xasan Maxamed Cali oo sheegay in magaalada Baydhabo oo ay joogaan lagu dhaqi jiray Dastuur ay dad sameeyeen.

Dadka ku dhaqan Gobollada Bay iyo Bakool ayuu Shiikh Xasan Maxamed Cali ka codsaday in ay la shaqeeyaan, “Haddii aad nala shaqeyn weydaan wax aan qaban karno ma jirno”ayuuna yiri Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Bay iyo Bakool.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa wuxuu gacanta ku hayaa gobollo dhowr ah oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxayna haatan ka maamullo hoos-yimaada Al-Shabaab ay ka taliyaan Gobollada Jubbooyinka, Gedo, Shabeelaha Hoose iyo Bay iyo Bakool oo maanta ku soo biiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia