Shirkad aan la garanayn oo Boqollaal Kun oo Dollar ka dhacday Dadweynaha Somaliland

Jimco, February 20, 2009(HOL): Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa qaarkood ayaa shalay galabtii ilaa xalay dareenkoodu taagnaa ka dib markii ay soo baxeen tibaaxo la isla dhexmarayay  oo sheegaya in maalmihii ugu danbeyay aan wax war ah laga helin Qof la sheegay in Dadweyne tiro badani Lacag ugu dhiiban jireen Kayd ahaan, si ay Lacag dheef-kor ah Bishii uga helaan.

Hugun iyo Warar ku tacaluqa arrintan ayaa si xad dhaaf ah laysugu gudbinayay goobaha dadweynuhu ku kulmaan ee magaalada Hargeysa ilaa xalay, iyadoo dadka arrintani saamaysay ay walaac ka muujiyeen Lacagyow qaddarkoodu kala duwanaa oo ugu jiray noocan ganacsiga ah. “Waxaan 1000-Dollar u dhiibay Qof Dumar ah oo aan aqoon u leeyahay, ujeedada aan ugu dhiibayna waxay ahayd in aan helo Lacag dheef ah oo aan Bishii qaadanayo, marka aan u baahdana waxa lay sheegay in aan helayo Lacagtaydii.” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Dadweynaha Lacagta Kaydka ah u dhiiban jiray Qofkan la sheegay in uu Ururin jiray Lacagta ee warka laga waayay, taas oo magaceeda Nimco ku soo koobtay. Waxaanay intaa raacisay oo ay tidhi, “Inkasta oo ay Lacagta iga maqani welwel igu hayso, haddana waxay noqonaysaa mid aad u yar marka loo eego Lacagayowga dadka qaarkood dhigteen ee loo hayay, kuwaas oo qaar ka mid ahi gaadhayaan 30-Kun oo Dollar.”

Inkasta oo aan rasmiyan looga war qabin halka Qofkan Lacagta ururin jiray tegay ama sida warka looga waayay, haddana waxa Magaalada Hargeysa laga dareemay saamaynta uu Warkan ku yeeshay dadweynaha. “Anigu ma garanayn cidda loo geeyay ee Lacagtayda ku shaqaysa, laymana sheegin, hase ahaatee qof baa Wakiil iiga ahaa oo lacagta aan sii mariyay, faa’iidaduna ii soo mari jirtay. waxaanay balantu ahayd inaan bil kata qiyaas go’an oo faa’iido ah helo, hase ahaatee, xiligii balanta oo wakhti go’an ahayd bil kasta ayaa doorkan dib u dhacaday taas ayaana keentay werwerka iyo in la is weydiiyo” Sidaa waxa iyana tidhi Gabadh kale oo ka gaabsatay in Magaceeda la shaaciyo.
Culima’udiinka Somaliland qaar ka mid ah ayaa hore uga dayriyey sifaha iyo habka loo bixiyo, isla markaana dheef looga raadiyo Lacagayowga noocan ah oo in mudo ahba ka jirtay Hargeysa, kaasoo ay u naqdiyeen siyaabo kala duwan, waxana saamelayda sharkadan aan la aqoonsan marka aad weydiiso ay kuu sheegayaan inaanay loo cadayn qaabka loo maamulayo, shirkada lacagtoodu ku jirto iyo cida kama dameysta lacagtu ku ururaysay oo la sheegay inay la xidhiidhaan wakiillo tirsani.
 
Mar aanu la xidhiidhnay Masuuliyiinta Dawladda ee arrintani khusayso ayaanay noo suurtogelin inaanu helo, isla markaana Dawladdu war rasmi ah kama soo saarin arrintan, hase ahaatee, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Lacagta dadweynuhu isu dhiibteen marka laysu geeyo ay tahay mid qaddarkeedu xooggan yahay oo badan. Islamarkaana haatan ciidamada baadhista danbiyadu ku hawlanyihiin sidii ay baadhis ugu sameyn lahaayeen arrintan.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland