Jimco, February 20, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageero xooggan siiiso Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Amed.
“Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif waxaa loo soo doortay si cad, wuxuuna heystaa sharcinimo, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka in ay siiso taageeradeeda ugu weyn, si buu yiri uu ugu guuleysto in uu dejiyo dalka Soomaaliya”ayuu yiri Ahmedou Ould Abdallah oo marka uu wareysigan bixinayay ka qeybgelayay shir Ammaanka Dunida oo lagu qabtay Dalka Belgium.
“Waxaan rajeynayaa in Dalalka Caalamka, kuwa Afrika iyo xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay taageeri doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed”ayuu mar kale yiri Danjire Ould Abdallah.
Ould Abdallah oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa intaas ku sii daray in haddii aan la taageerin Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ay taasi sii kordhin doonto dhibaatada Soomaaliya, wuxuuna si aysan taasi u dhicin ka rajeeyay Beesha Caalamka in ay Soomaaliya siiso mid la mid ah taageerada ay ku bixinayaan Dalalka Ciraaq, Afganistan iyo Suudaan.
Danire Ould Abdallah waxaa uu sheegay in aysan suurtagal ahayn in la dayaco dalka Soomaaliya oo aan muddo dheer burbur ku soo jiray, “Soomaaliya waa wadanka kaliya oo dunida ku yaala oo aan lahayn ka qeybgal caalami ah, mid diblumaasiyadeed, ka qeybgalka UN-ka, dadka Soomaaliyeedna waxay u ooynayaan sidii ay ka qeybgalladaas u soo ceshan lahaayeen”ayuu yiri Danjire Ould Abdallah oo labadii sano ee ugu dambeysay si weyn uga shaqeeyay sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia