Jimco, February 20, 2009(HOL): Soomaalida ku dhaqan magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa cabsi fara badan ka muujisay hadal ka sooyeeray dowladda Kenya maalintii shalay aheyd Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay inay Soomaalida halis ku tahay arrimaha ammaanka ee wadama caalamka asagoo ka dhawajiyay in dowladda Kenya ee Argagaxiso badan ay kaga imaan karto dhinaca Soomaaliya iyo in la adkeeyo xaduuda labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Soomaalida ay ka digto ee Islii waxaa kor heehabayay diyaarahadaha dagaalka ee wadanka Kenya iyo ayadoo ciidamo badan oo Police ah ay dhoobnaayeen waddooyika soo gala xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Ciidamada ayaanan la hadlin dadka ku dhaqan xaafadaha dhaxdooda mana aysan geysan wax dhibaata ah. waqtigii dambe ayaa waxaa yaraaday Guuxa diyaaradaha iyo dhaq dhaqaaqa ciidamada Policeka ..
Subaxii waaga markuu baryay ayaa waxaa daadku ku waabariisteen jawi ka badalan kii habeennadii tagay ay ku waabaristeen waxaana aad arkeysay dad badan oo isu yimid meelaha Qaxwada lagu cabo oo cidwalba cidda kaleeto ay weydiineysay Diyaaradaha guuxa badnaa ee xalay dul heehaabayay Xaafadaha Islii ee ay Soomaalida degto
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya