Ciidamo ka amar qaata Dowladdii TFG-da oo dhac, iyo handadaad ku haya Dadka iyo Gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye

Cabirka Farta

Jimco, February 20, 2009(HOL): Darawallada Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdihso iyo Afgooye iyo dad raaca gaadiidkaas ayaa waxay ka cabanayaan ciidamo ka tirsanaa Dowladdii TFG-da oo dadka iyo gaadiidka halkaas isticmaala u geysta dhac iyo handadaad.

Mid ka mid Darawallada gaadiidkaas kaxeysa ayaa sheegay in Ciidamadaas oo ku sugan Ex-Koontarool Afgooye iyo halka loo yaqaano Sar-kuusta ay ka qaadaan lacag baad ah oo aad u badan, wuxuuna caddeeyay in horay looga qaadi jiray lacag dhan 140 kun Shillin Soomaali ah, hadda oo uu soo baxay in ciidamadaas meesha laga qaadana ay lacagtii baadda ahayd gaarsiiyeen 200-250 kun shillin Soomaali ah.

“Marka laga soo tago in ay lacagtaas sharci darrada ah naga qaadaan waxay dhac u geystaan dadka saaran gaadiidka aan wadno oo ay ka qaataan lacag iyo taleefoonno gacan-qaad ah wixii ay wataan”ayuu yiri darawalkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo sabab la xiriirta ammaankiisa.

Guddi Qaran oo ammaanka qaabilsan ayaa muddo 48 saacadood ah waxaa uu u qabtay Ciidamadii TFG-da ee weli ku sugan isbaarooyinka ay lacagaha baadda ah ku qaataan, waxayna mudadaas ku ekeyd maanta gelinkii hore.

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabato cabashooyinka ka imaanaya darawallada isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye iyo weliba cabashooyin ka imaanaya dad kale oo Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo dhibaato ku qaba ciidamo iyana lacag baad ah  ka qaada gaadiidka BL-ka ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia