Arbaco, February 18, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Shiikh Muuse Cabdi ayaa sheegay in Ciidamo la dhigayo Saldhigyo Boolis ah oo Muqdisho ku yaala ay keeni doonaan dagaallo ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Afhayeenkan waxaa uu sheegay in Ciidamadaas la qorsheynayo in ay ka howlgalaan dhamaan saldhigyada Booliska ee ku yaala gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu sheegay in ay qaarkood hadda ku sugan yihiin xoogag ka amar qaata Xisbigooda.
“Waxaan u sheegeynaa dhamaan Odayaasha, Waxgaradka iyo Ganacsatada in ay ogaadaan in dadka ciidamadaas howlgelinaya ay doonayaan in ay dagaallo kale ka dhacaan Magaalada Muqdisho”ayuu yiri Afhayeenka Xisbul Islaamka Shiikh Muuse Cabdi oo sheegay in haddii dagaal dhaco aaney iyagu mas’uuliyadda arrintaas qaadi doonin.
Afhayeenkan u hadlay Xisbul Islaam oo wax laga weydiiyay sida ay u arkayaan baaq nabadeed oo ay dhawaan u jeediyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu sheegay in aysanba aqoonsaneyn dowlad Soomaaliya ka jirta iyo Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare baaq u jeediyay.
Xisbul Islaam ayaa waxaa ku midoobay Afar Kooxood oo ka dagaallama Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Maxkamadaha Islaamka garabka Asmara, Dugsiga Raaskambooni, Jabhul Islaamiya iyo Dugsiga Caanoole, waxaana Xisbigan Guddoomiye ka ah Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, halka uu guddoomiye ku xigeenna ka yahay Shiikh Xasan Turki.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia