
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah .SAWIRKA: MICHAEL MUTE
Arbaco, February 18, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa sheegay in ay jirto baahi ku saabsan in lala xisaabtamo dadkii dembiyada dagaal ka geystay Soomaaliya mudadii 18-ka sano ahayd ee aan ka soo gudubnay.
Ould Abdallah waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaraar ka soo saaro in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada dagaalka la soo taago dadkii dembiyada ka galay Soomaaliya, si buu yiri loo soo af-jaro dembiyada dagaal ee ka dhaca Soomaaliya.
Isagoo Xafiiskiisa Nairobi kula hadlayay Wargeyska Daily Nation waxaa uu intaas ku daray Ould Abdalla in uu la yaaban yahay sababta isku dhacyada ka dhaca Soomaaliya loola dhaqmi la’ yahay sida wadamada ay isku dhacyada ka dhacaan ee Afrika, sida Congo oo kale, halkaas dadka la tuhmo loo diro Maxkamadda dembiyada dagaalka ee Hague.
Danjire Ahmedou Ould Abdallaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu la yaaban yahay sababta wadanka Soomaaliya oo muddo 18 sano ah fowdo ku jiray weli loogu tixgelinayo mid ay ka jiraan qalalaase dhinaca bani’aadannimada ah . Wuxuu intaas ku daray in dhibaatada Soomaaliya oo salka ku heysa siyaad ay khatar ku heyso dalalka Soomaaliya la deriska ah.
Ugu dambeyntii Ould Abdallah waxaa uu sheegay in ay haatan rajo wanaagsan ka jirto Soomaaliya, wuxuuna xusay in ay rajadaas timid kadib markii Madaxweynenimada Soomaaliya loo doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa Hoggaamiyihii Maxkamadihii Islaamka ee lixda bilood ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia