Arbaco, February 18, 2009(HOL): Dowladda Masar ayaa martiqaad rasmi ah u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo 31-kii Janaayo 2009 loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika Munah Omar ayaa warfidiyeenno ugu sheegtay magaalada Qaahira in Dowladda Masar ay martiqaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Munah Omar waxay sheegtay in Dowladda Masar ay Madaxweynaha Soomaaliya kala hadli doonto arrimo ku saabsan xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya, waxayna rajeysay in uu madaxweynaha Soomaaliya aqbali doono martiqaadka ay Dowladda Masar u fidisay.
Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika Munah Omar waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay muhiim u tahay Dowladda Masar, waxayna shaaca ka qaaday in Madaxweynaha cusub uu nabadgelyo iyo kala dambeyn uu ku soo dabaali karo Dalka Soomaaliya oo muddo 18 sano ah ay dagaallo ka jireen.
Xoogag Islaamiyiin Muqaawamo ah ayaa dhawaan sheegay in ay la dagaallami doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya, laakin Dowladda Masar ayaa u jeedineysa xoogagga mucaaradsan dowladda cusub in ay qeyb ka noqdaan dowladdaas, ayna ka shaqeeyaan danta Umadda Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in uu Kenya booqdo
Arbaco, February 18, 2009(HOL): Madaxweynaha Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda soo gaaro magalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo socdaalkiisana uu la xiriiro martiqaad uu ka helay Madaxaweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki
Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa lagu wadaa in ay martiqaadkiisa kadib ay wada hadallo yeeshaan madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki si ay uga wada hadlaan dowlad wanaagga iyo darisnimada labada dal iyo xiriirka Dowladda cusub ee Soomaaliya iyo Dowlada Kenya.
Dhanka kale magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka socda diyaar garow xooggan oo lagu doonayo in lagu soo dhaweeyo madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo dowladdiisa cusub.
Diyaargaroowgan ayaa waxaa qaban qaabinaya guddiga ganacsatada Soomaalida ah ee dalka Kenya iyo Jaaliyadda kudhaqan magalada Nairobi waxaana lagu wadaa in madaxweynaha uu kulamo kala duwan la yeesho ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaalida ee wadanka Kenya.
Madaxweyne Shariif ayaa waxaa socdaalkisa ku wehlin doona xubno ka mid ah dowladdiisa iyadoo socdaalkiisana uu qeyb ka yahay dadaallada uu ku doonayo sidii ay u hirgali laheyd dowlada cusub ee Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay.
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya