Munaasabad lagu sagootinayay Taliyihii Ciidamada AMISOM oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Jimco, 14, Aug, 2009 (HOL) Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Munaasabad ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Soomaaliya taas oo lagu sagootinayay Taliyihii Ciidamada AMISOM Gen. Farancis Okelo oo lagu  badalay Taliye kale oo sii wadi doona howlaha Nabad ilaalinta Soomaaliya.
 
Munaasabadda ayaa ugu horreyn waxaa hadal ka jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ammaan iyo bogaadin intaba u jeediyay Gen. Okelo oo uu ku tilmaamay ka sokow howlihii uu u joogay dalka Soomaaliya in uu yahay Nin si weyn u jecel Shacabka Soomaaliya iyo mar uun in ay ka baxaan dhibaatada aan dhamaadka laheyn ee heysta, waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada AMISOM yihiin kuwo howlaha Nabad-ilalinta ah marka laga soo tago shacabka Soomaaliyeed u haya adeegyo muhiin ah oo muujinaya sida Dowladda ay ka socdaan saaxiib dhaw ula yihiin Umadda Soomaaliyeed.
 
Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke waxaa kaloo uu intaa ku sii daray in Dowladda Soomaaliya mar walba xushmad u heyso Ciidamada Dalkau jooga sidii ay nabada ugala shaqeyn lahaayeen, waxaana uu u rajeeyay Gen. Okelo in uu ku soo laaban doono dalka Soomaaliya oo sidan ka hagaagsan.
 
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Max'ed Nuur (Aadan Madoobe) oo isagana ka hadlay Munaasabada sagootinta ah ayaa sheegay in uu ka rajeynayo Dowladda Uganda in ay ku soo badasho Gen. Okelo shaqsi sidiisa oo kale u fir fircoon isla markaana si hufan uga qeyb qaata howlaha dalka ka jira, waxaana uu uga mahad celiyay Taliyaha sii baxaya shaqadii uu la qabtay Dowladda waqtigii uu joogay.
 
Gen. Farances Okelo oo dhinaciisa ka hadlay Munaasabada ayaa mahad celin kadib ku dheeraaday sida uu u jecel yahay in uu mar uun arko Soomaaliya oo soo ceshata Qaranimadeeda, islamarkaana dib u dhisata Ciidamadii lagu yaqiinay.
 
'' Shir badan oo looga hadlayay Xaalada Soomaaliya oo aan ka qeyb galay mar walba waxaa ka jeedin jiray in wax laga qabto Xaalada Soomaaliya, laakiin waxaa muuqaneysa in dadkii waqtigaa aan la hadlayay aysan la sahlaneyn wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya, hasse ahaatee aniga waxaa ku dhihi jiray waa sahal in Soomaaliya laga badalo xaaladda ay hadda ku jirto ayuu yiri Gen. Okelo.
 
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ugu danbeytii hadalka qaatay ayaa sheegay in Gen. Okelo ahaa saxiib weyn oo dhinac marka laga eego siweyn talo uga bixin jiray qaabka ugu sahlan ee loo dhisi karo Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana uu goobta ku gudoonsiiyay Madaxweyne Shiikh Shariif Taliyaha Hadiyado ka kooban Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed taasoo Madaxweynuhu ku tilmaamay in ay tahay Hadiyad tan ugu qaalisan ee la baxsho marka loo eego dhaqanka Soomaalida.
 
Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya oo ka socda Dowladda Uganda iyo Burundi waxaa ay si gaar ah u ilaaliyaan Xarumaha Dowladda sida Madaxtooyada, Garoonka diyaaradaha,  Dekada iyo Isgoyska KM4, inkastoo mar marka qaar lagu eedeeyo in ay ku lug yeeshaan madaafiicda ay is weydaarsadaan Ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda xiliyada ay jiraan dagaallada, waxaana ugu dambeeyay Madaafiic dhawaan lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Ciidamada AMISOM.
 
C/raxmaan Diini, Hiraan Online
[email protected]