Jimco, August 14, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in uu maalintii labaad maanta dagaal ka socdo deegaankaas, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyo Xoogag kala taabacsan Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalkan ayaa la soo sheegayaa in uu geystay khasaare, dhimash, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira, walow aan la heynin tiro-koob rasmi ah oo lagu sameeyay khasaarahaas.
Deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ka mid yihiin Guriceel, Dhuusamareeb, Wabxo, Ceeldheere, Masagawaa iyo meelo kale ayaa waxaa horay uga dhacay dagaallo u dhaxeeya labada dhinac ee haatan ku dagaallamaya deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) oo dagaalkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay dagaalkaas guulo ka gaareen, isla markaana sida uu yiri ay ka itaal roonaadeen kooxo ka soo horjeeday in shareecada Islaamka lagu xukumo dalka Soomaaliya.
Ma jiro ilaa iyo haaan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku saabsan dagaalka ka socda Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaal maalintii labaad maanta ka socda Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud
More News
- Munaasabad lagu sagootinayay Taliyihii Ciidamada AMISOM oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
- Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday dadka Ajnabiga ah ee Soomaaliya booqanaya in ay ogolaasho weydiistaan Dowladda Soomaaliya
- Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo isu dhiibay Maamulka Dowladda Federaalka ee Goballka Hiiraan.
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Culumaa'udiinka Tabliiqa ugu baaqay in aysan xiligan Dalka Soomaaliya imaanin arrimo nabadgelyo aawadood
- Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in ay sii wadi doonto dagaallada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee inagu soo fool leh
- Doonyihii Masar laga lahaa ee lagu haystay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Laas Qoray oo xoog lagu furtay
- Madaxweynaha Gal-mudug oo soo dhameystiray dhismaha Golahiisa Wasiirrada