Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in ay sii wadi doonto dagaallada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee inagu soo fool leh

Jimco, August 14, 2009(HOL): Af-hayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Max'uud Raage (Cali Dheere) oo la hadlayay qeybaha warbaahinta ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan Cidamada AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya xili wax yar uun ay ka harsan tahay Bisha barkeysan ee Ramadaan.
 
Shiikh Cali Dheere waxaa uu intaas ku daray in dagaalada looga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM in ay qeyb ka yihiin Cibaadada la doonayo in la guto inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in ay sii laba laabi doonaan dagaalka xitaa marka la gaaro Bisha Ramadaan.
 
Shiikh Cali Dheere  waxaa kaloo uu intaas raaciyay in ay ku xisaabtamayaan dhibaatada ka soo gaari karta shacabka dagaalka, laakiin waxaa uu sheegay in loo baahan yahay dulqaad maadaama ayuu yiri hadafka loo socdaa yahay in  dalka laga xoreeyo Cadawga ku soo duulay.
 
Dhinaca kale Af-hayeenka Ururka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmiihii ugu dambeeyay sheegayay in Ururka Al-shabaab uu bilaabay la dagaalanka Ilkaha ka sameysan Qalinka meelaha qaarna jireen dad laga siibay, waxaana uu sheegay in arrimahaasi yihiin kuwo ay fidiyaan kuwa ka soo horjeeda howlaha Ururku waddo.
 
Inkastoo uu ku dhawaaqay Af-hayeenka Ururka Al-shabaab in ay sii wadi doonaan dagaallada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee nagu soo fool leh ayaa haddana waxaa hubanti ah in aysan shacabka Soomaaliyeed ku farxeynin baaqaas dagaal sii wadidda ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]