Jimco, August 14, 2009(HOL): Wararka ka imaanaya magaalada Laas Qoray ee deegaanka gobolka Sanaag gaar ahaan Gacan ayaa sheegaya in laba doonyood oo laga lahaa dalka Masar oo halkaas ay ku haysteen burcad badeed Soomaaliya ay baxsadeen, kaddib markii shaqaalihii saarnaa doonyahaasi ay faasas ku weerareen qolyihii burcad badeedda ahaa, isla markaana ay ka furteen qoryahoodii.
Waxaana dhacdadan oo dhacday shalay abaaro saddexdii galabnimo ka badbaaday hal nin oo isaga ka booday dooni ka mid ah doonyaha baxsaday, sida ay sheegayaan ilo wareedyada deegaanka xeebeedka Gacan.
Waxaa uuna ninkaasi sheegay markii uu sii boodayay uu indhihiisa saaray labo qof oo mayd ah, laakiin uusan magacyadooda garaneynin sida uu yiri sabab uu ku micneeyay in markaasi uu naf la carar ahaa.
Ninkan oo lagu naaneyso ''Miiroo'' ayaa sheegay in ragga doonyaha la saarnaa ay ahaayeen ilaa 12 nin ayna sabab u ahayd in ragga Masaarida ah ee doonyaha lahaa ay baxdasaan, kadib markii uu nin Masari ah oo ka yimid dalkiisa u keenay sharaab, markii ragga loo qeybshayna ay maandoorsoomeen, deedana faasas la la dhaceen ilaa qaarkood mayd lagu qaato.
Miiro ayaa haatan isaga oo dhabarka iyo garabka midig dhawac ka qaba lagu hayaa cusbatalka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaana halkaasi la gaarsiiyay xalay abaaro 10 fiidnimo. Doonyaha baxsaday ayaa haatan ku sii jeeda dalka Yemen, sida ay sheegayaan odayaasha degaanka ee ku sugan magaalada Laasqoray.
Isla goobta ay arintani ka dhacaday ayaa saddex maalin ka hor waxaa lacag madax furasho ah oo gaaraysa ilaa 4 milyan oo doolarka Maraykanka ah kaga qaatay markab laga leeyahay dalka Talyaaniga burcad badeedda Soomaaliya, waxaana arinta qaadashada lacagta burcad badeednimada ka hadlay Mashaa'iqda gobolkaasi Sanaag oo sheegay in ay tahay xaaran.
Maxamed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya
Doonyihii Masar laga lahaa ee lagu haystay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Laas Qoray oo xoog lagu furtay
More News
- Munaasabad lagu sagootinayay Taliyihii Ciidamada AMISOM oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
- Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday dadka Ajnabiga ah ee Soomaaliya booqanaya in ay ogolaasho weydiistaan Dowladda Soomaaliya
- Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo isu dhiibay Maamulka Dowladda Federaalka ee Goballka Hiiraan.
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Culumaa'udiinka Tabliiqa ugu baaqay in aysan xiligan Dalka Soomaaliya imaanin arrimo nabadgelyo aawadood
- Dagaal maalintii labaad maanta ka socda Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud
- Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in ay sii wadi doonto dagaallada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee inagu soo fool leh
- Madaxweynaha Gal-mudug oo soo dhameystiray dhismaha Golahiisa Wasiirrada