14 Burcad Badeed Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay

Cabirka Farta


Axad, September 07, 2008(HOL): Markab dagaal oo aan la aqoonin cidda leh ayaa Ciidamo saaran waxay Xeebaha Soomaaliya ka qabteen 14 Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi oo la socday Doon yar oo ay adeegsadaan marka ay wax af-duubanayaan.

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland C/qaadir Muuse Yuusuf ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in Markabkaas oo uu u maleynayo in uu Mareykanka leeyahay ay Ciidamada saaran burburiyeen Doontii ay Burcad Badeedka wateen, kadibna ay gacanta ku dhigeen.
 
“Weli waan baareynaa cidda Markabkaas Dagaal leh”ayuuna yiri Wasiirka Kalluumeysiga Puntland C/qaadir Muuse Yuusuf.

Bishii April ee sanadkan ayay ahayd markii Ciidamo Faransiis ah ay weerareen Kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugnaa Xeebaha Puntland, kuwaasi oo ugu dambeyntii gacanta ku dhigay 6 ka mid ah Kooxihii Burcad Badeedka ahaa.

Kooxo Burcad Badeed ah ayaa waxay deegaanka Eyl ee Gobolka Nugaal ku heystaan 10 Markab iyo 130 Shaqaale ah oo la socday Maraakiibta ay heystaan, waxayna dalbanayaan lacag madax furasho ah oo aad u badan si ay u sii daayaan Maraakiibtaas oo qaarkood laga leeyahay Dalalka Masar, Malaysia, Faransiiska, Japan iyo Iran.

Af-duubka ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ka geystaan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan kulan ka yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo weliba meel-mariyay Qaraar ku saabsanaa in Ciidamo Caalami ah loo diro Xeebaha Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia