Muran ka dhashay Maxkamad Islaami ah oo dhawaan looga dhawaaqay Degmada Buula-burte

Cabirka Farta
Axad, September 07, 2008(HOL): Dhawaan ayay aheyd markiii Degmadda Buula-burte ee Gobalka Hiiraan lagaga dhawaaqay Maxkamad Islaami taasoo noqoneysa tii ugu horeysay oo Gobalka laga sameeyo tan iyo wixii ka danbeeyay markii Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda oo is garabsanaya ay la wareegeen  gacan ku heynta inta badan Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.
 
Maxkamadan oo dhismaheeda uu ku dhawaaqay Wakiilka Midowgga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Max'ed Macow ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu ka taagan yahay muran la xiriira qaabka loo soo xulay Mas'uuliyiinta Maxkamadaha, iyo waliba waxa xiligan ku soo beegay dhismaheeda.
 
Qaar ka mid ah Culima'udiinka dhaliilsan Maxkamadda looga dhawaaqay Degmada Buula-burte ayaa sheegaya in dhismaha Maxkamadda tahay mid ka tarujumeysa saameynta uu ku yeeshay Xubnaha Midowgga Maxkamadaha uga Wakiilka ah Gobollada Hiiraan khilaafka sare ee u dhaxeeya Mas'uuliyiinta Isbaheysigga Dib u xoreynta dalka, taasoo ayay sheegeen waqtigan ah mid aan loo baaheyn.
 
Laakiin Shiikh C/raxmaan Max'ed Macow oo ka hadlay sababta keentay dhismaha Maxkamadda ayaa sheegay in kaliya u jeedadu tahay in wax lagu maamulo shareecada Islaamiga dadkuna u helo xukun ku saleysan Diinta Islaamka, inkastoo la oran karo arimuhu kama marna kuwo Siyaasadeed.
 
Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ee ku sugan Degmada Buula-burte ayaa u muuqda kuwo kala aaminsan fikradaha is-khilaafsan ee u dhaxeeya Mas'uuliyiinta Isbaheysigga ee kala jooga Dalalka Jibouti iyo Eritrea, waana tan keentay in markiiba muran uu ka dhasho qaabka dhismaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmadda Buula-burte.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia