Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Federaalka iyo Askari Itoobiyaan ah oo isu dhiibay Maxkamadaha Islaamka

Cabirka Farta

Axad, September 07, 2008(HOL): Ciidamo ka soo goostay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Askari Itoobiyaan ah ayaa waxay isu soo dhiibeen Midowga Maxkamadaha Islaamka.

Ciidamadan oo ahaa kuwo dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya ayaa waxay tiradooda dhameyd 8 askari, waxayna sheegeen in ay go’aanka is-dhiibista qaateen kadib markii ay daryeel ka waayeen Taliska ay ka tirsanaayeen ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah Ciidamada soo goostay oo magaciisa ku sheegay C/llaahi Keyrow C/raxmaan ayaa sheegay in kadib markii ay daryeel ka waayeen Dowladda Federaalka ay go’aansadeen in ay Maxkamadaha Islaamka ku soo biiraan, isla markaana ay la shaqeeyaan.

Afhayeenka Howl-gallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo saxaafadda la hadlay kadib markii ay ciidamadaas isu soo dhiibeen ayaa sheegay in Ciidamada iyo Askariga Itoobiyaanka ah ay isu soo dhiibeen kadib markii sida uu yiri ay u adkeysan waayeen xero ciqaabeedyo ay ku jireen.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay Ciidamadaas soo dhaweeyeen, isla markaana ay haatan u furan tahay in ay kala doortaan labo  arrimood midkii ay doonaan kuwaasi oo kala ah in ay Ciidamada Maxkamadaha ka mid noqdaan iyo in hubka ay wataan laga iibiyo kadibna la geeyo meeshii ay doonaan oo ay ku nabadgelayaan.

Mar uu C/raxiin ka hadlayay Askariga Itoobiyaanka ah ee isu soo dhiibay waxaa uu sheegay in Askarigaas uu ka tirsanaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Degmada Afgooye, wuxuuna intaas ku sii daray in markii uu Askariga isu soo dhiibay ay u bandhigeen Diinta Islaamka, isna uu ku yiri waan ka fiirsanayaa in aan Islaamo, “Haddii uu Islaamka qaato waa Alle mahaddiis, haddii uu qaadan waayana ma qasbeyno oo waan qiyaar gelineynaa, waayo Alle ayaa na faray in aan la qasbin qofka haddii uu Gaalnimo ku soo koro oo uu ku weynaado”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow, Afhayeenka Howlgallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia