Axad, September 07, 2008(HOL): Dhibaatada xiligan heysata Qoysas badan oo Soomaaliyeed ma yara gaar ahaan marka la eego kuwa ay ku adkaatay maareynta nolashooda caaadiga, laakiin hadana waxaa taan bar bar socota iska war qab iyo is-kaalmeyn Soomaalida dhexdeeda ah taasoo soo if-baxday uun sanadihii ugu danbeeyay.
Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan waxaa ku nool Qoysas badan oo masaakiin ah isla markaana ay la soo darseen xaalado dhinaca nolosha ah weliba xili lagu guda jiro bisha barkeysan ee Ramadaan.
Hadaba qaar ka mid ah Qoysaskan ayaa waxaa la gaarsiiyay deeq Lacageed oo dhan Kun Dollar taasoo ay soo direen Gabdho Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay Dalka Norwey, si markaas ay ugu yaraan maalmo u helaan wax ay ku afuraan.
Lacagtan oo la soo mariyay Aadan Xaaji Macow ayaa waxaa qeybiyay Ururka Daljire ayaa qeyb ka mid ah waxaa lagu iibiyay Timir loogu tala galay dadka Sooman halka qeyb kalena lagu gaarsiiyay (Kaash ahaan) waxaana kaalmadaa ka faa'ideystay Qoysas dhan 120 kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay kaalmada ay u soo direen Gabdhaha Soomaaliyeed.
Marka laga oo tago Magaalada Beledweyne oo ay ku nool yihiin tiro ka badan dadka ku dhibaateysan daafaha Magaalada ayaa sidoo kale waxaa la oran karaa waxaa iyaguna jira Qoysas badan oo aan helin kaalmo tan la mid ah xiligan adag oo waliba lagu guda jiro bisha Ramadaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia