Dagaal culus oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Arbaco, September 24, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh Isgoyska KM4 iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka oo bilowday 10:15 habeennimo ee xalay ayaa wuxuu qarxay kadib markii Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo Xoogag kale oo iyana la baxay Xoogagga Raas-kambooni ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada Amisom ee Isgoyska KM4.

Dagaalkaas ayaa markii uu qadar daqiiqado ah socday waxay Ciidamada Amisom bilaabeen in ay madaafiic ku duqeeyaan xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-wadag, Waaberi iyo Wadajir, waxaana xaafadahaas ku dhintay dad ku dhow15 ruux, in ka badan 20 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

5 ka mid ah dadka dhintay ayaa waxay ku geeriyoodeen nawaaxiga Masjidka Xareed ee Degmada Howl-Wadaag, Xaafadda Bermuuda ee Degmada Waaberi ayaa iyadana waxaa ku geeriyooday 3 ruux, nawaaxiga Dugsigii sare ee Banaadir ee Degmada Hodan-na waxaa ku dhintay 3 ruux oo kalena, halka Dugsiga Farsamada gacanta oo ay degan yihiin dad soo barakacay  ay ku geeriyoodeen 2 ruux.

Haddaba Weerarkii xalay lagu qaaday Fariisinka ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Isgoyska KM4 ayaa waxaa kala sheegay Maxkamadaha Islaamka iyo Urur cusub oo la baxay Xoogagga Raas-kambooni, kuwaasi oo sheegay in ay hoos-tagaan Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki).

Shiikh Maxamed Muxumed (Dul-yaddeyn) ayaa sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lagu qaaday Ciidamada Amisom ay iyagu ka dambeeyeen, wuxuuna sheegay in aysan iyagu ka tirsaneyn Midowgii Maxkamadaha, “markii Maxkamadaha burbureen oo aan aragnay halka ay madaxdii maxkamadaha kala tageen ayaan go’aansannay in aan dagaalka sii wadno annaga oo aanan Maxkamadaha ka tirsaneyn”ayuu yiri Shiikh Maxmed Dul-yaddeyn oo sheegay in weerarkii ay qaadeen uu jawaab u ahaa duqeyntii ay Ciidamada Amisom u geysteen Suuqa Bakaaraha.

Laakin Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Isgoyska KM4 ay 80% qaadeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka, gaar ahaan qeybta Jugta culus, wuxuuna caddeeyay in ay ka xun yihiin in Xoogagga Raas-kambooni ay kaligood sheegtaan weerarkii lagu qaaday Ciidamada Amisom, “Waan ka xunnahay in Dul-yaddeyn uu yiraahdo Maxkamadihii ayaa burburay iyadoo saadkooda ay bixiyaan Maxkamadaha Islaamka, waxaan rajeyneynaa in walaalaha aysan mar kale hadalkaas oo kale dhihi doonin”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.

Waxaa sii kordhaya xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, iyadoo Xoogaggaasna ay markoodii hore ka wada tirsanaayeen Maxkamadaha Islaamka. Ilaa iyo hadda waxaa jira Maxkamadaha Islaamka, Jabhul Islaamiyah, Al-Shabaab iyo Dugsiga Raas-Kambooni.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia