Barakac maalintii labaad ka socda Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Degmooyinka Muqdisho qaarkood oo laga qaxayo-Sawirka AFP
Arbaco, September 24, 2008(HOL): Dad badan oo ku noolaa xaafado ka  tirsan Degmooyinka Howl-Wadaag, Hodan iyo Waaberi ayaa waxay maalintii labaad ka barakacaan guryahooda kadib markii ay xaafadahooda ku soo dhaceen madaafiic dhimasho iyo dhaawac geysatay.

Dadkani oo ku qaxaya  Gaadiidka Xamuulka, kuwa yar yar, Gaari-Dameer-ro iyo Gaari Gacan-no ayaa lagu arkayaa gudaha Degmooyinkaas ayaa waxayna badankood u barakacayaan duleedyada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Deegaannada Km 13 Ceelasha biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole iyo Degmooyin kale oo ku yaala Gobolka Banaadir, kuwaasi oo aaney saameyn ku yeelan dagaallo maalmihii aynu ka soo gudubnay Muqdisho ka dhacayay.

Xaafadaha laga barakacay ayaa waxaa ka mid ah Tookiyada Howl-Wadaag, Xaafadda Shanta Geed ee isla Degmada Howl-wadaag, Suuqa Caanaha ee Bakaaraha iyo African Village oo Degmada Hodan ah iyo Siigaale oo ka tirsan Degmada Waaberi, wuxuuna barakaca dadkani uu sii xoogeystay maanta kadib markii xalay ay dad kale ku dhinteen madaafiic ku dhacday Xaafado ka tirsan qaar ka mid ah Degmooyinkaas.

Barakaca dadkani ayaa wuxuu noqonayaa midkii labaad oo Muqdisho ka dhaca, waxayna ahayd horraantii sanadkii 2007 markii ay Muqdisho ka barakaceen dad badan oo ku noolaa qeybo ka mid ah Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid, Wardhiigley, Howl-wadaag, Hodan iyo Dayniile, iyadoo dadkaasina ay haatan ku nool yihiin duleedyada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo dhanka Galbeed ah iyo inta u dhaxeysa Muqdisho Ceel Macaan oo dhanka bari ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia