Maxkamadaha Islaamka oo ka digay in la qaado weerarro ay Dadka Rayidka ah dhibaato ka soo gaareyso

Cabirka Farta

Arbaco, September 24, 2008(HOL): Mas’uul sare oo u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa ka digay inaan la qaadin weerarro marka ay dhacaan ay dhibaato ka soo gaarto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
 
Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in aan loo baahneyn in la qaado weerarro aaney dhibaato ka soo gaareynin Ciidamada dalka ku soo duulay, “Waxaan ku talineynaa in haddii weerarro la  qaadayo ay noqdaan kuwo cadawga lagu xanuujiyo ee ma ahan in la sameeyo wax ay shacabka dhibaato ka soo gaareyso”ayuu yiri Shiikh C/qaadir Cali Cumar.
 
Hadalka Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo madaafiic hoobiyayaal ah oo lagu weeraray Ciidamada Amisom ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4 ay keeneen in ay la duqeeyo goobo ay dad rayid ah ku sugnaayeen, isla markaana ay dhinteen dad 30 ruux ka badan, ayna dhaawacmeen dad kale oo 80 ruux gaaraya.
 
Dhanka kalena, Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ka hadlay sida uu u arko xernaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho wuxuu sheegay in aysan waafaqsaneyn go’aanka garoonka lagu xiray, “Annaga go’aanka aan arrintaas ka qabno horay ayaan u sheegnay waxaana ku talineynaa in garoonka dib loo furo waayo waxaa siyaabo kala duwan uga faa’iideysta dad badan oo Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh C/qaadir Cali Cumar.
 
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu maalintii 9aad u xiran yahay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo bayaan ay soo saareen ku sheegay in uu xiran yahay garoonka Diyaaradaha, iyadoo tan iyo xiligaasna ay si qarsoodi ah uga soo degeen seddex diyaaradood oo labo ka mid ah ay ahaayeen kuwo ganacsi, halka tan kalena ay saanad u waday Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia