Arbaco, September 24, 2008(HOL): Waxaa ka curtay Magaalooyin badan oo ka mid ah Puntland roobkii Deyrta, iyadoo Roobabakaasina ay si toos ah iminka uga bilowdeen qaybo ka mid ah Gobollada Puntland, xilli muddooyinkii u dambeeyay lagu jiray abaaro dabo dheeraaday.
Magaalooyinka uu roobkani ka curtay waxaa ka mid ah Magaalada Qardho iyo Tuulooyin badan oo hoos yimaada Gobolka Kar Kaar , waxaana Shacabka deegaannadaas ku dhaqan ay roobka sugayeen muddo sanado ah.
Roob shalay ka bilowday Degmada Qardho ayaa la soo sheegayaa ilaa iyo hadda in uu degmadaasi ka socdo sida ay soo warinayaan wariyayaal halkaasi ku sugan iyo waliba dadka deegaanka, waxaana uu biyo dhigay meelo badan oo ka mid ah degmadaasi
Sidoo kale Roobabkani waxa ay ka curteen Gobolka Sanaag sida Degmada Dhahar ,waxaa maalmo ka hor degmooyinkaasi ka jirtay abaar aad u ba’an, taasi oo si aad ah u ameeysay duunyadii halkaasi ku dhaqnayd.,waxaana shacabka Gobolka Sanaag ay tilmaameen in Roobka u da’ay uu yahay mid ay ku qabowsadeen oo muddo ay sugayeen.
Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka ku dhaqan Puntland ayaa shcabka ugu baaqay in laga fogaado waxyabahaa carada Alle keenaya, isla markaana ay Allaah uga mahad-naqaan raxmadda uu siiyay.
Ugu dambeyntiina, waxaa wali laga sugayaa Roobka Magaalooyin kale oo Puntland ka tirsan, kuwaasi oo aan ka xusi karno Magaalooyinka waa weyn sida Gaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia