Diyaarad ganacsi oo ka degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta
Isniin, September 22, 2008(HOL): Diyaarad Ganacsi oo la sheegay in ay waday Rakaab iyo xamuul kale ayaa saaka subaxnimadii waxay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo muddo lix maalmood ah aysan ka soo degin Diyaaradihii Ganacsiga ee isticmaali jiray.
 
Diyaaraddan oo ka soo duushay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay si nabadgelyo ah uga degtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ugana duushay, inkastoo xiliga ay ku degeysay garoonka lagu tuuray madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo sabab u noqday in la duqeeyo Suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa, isla markaana ay duqeyntaas ku dhintaan ku dhawaad 20 ruux.
 
Saraakiil u hadlay Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaradda saaka ku soo degtay garoonka diyaaradaha ay muujineyso in garoonka uu furan yahay, isla markaana ay shirkadaha diyaaradaha isticmaali karaan.
 
Waaxda Duulimaadyada iyo Saadaasha Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dabayaaqadii Todobaadkii hore waxay soo saartay go'aan ay ruqsadii shaqo ugala noqoneyso Shirkado diyaaradeed oo kala ah Daallo Airlines, Jubba Airways, Africa Express iyo Gallad Air, waxaana lagu eedeeyay in ay iska dhego-tireen baaq ay u soo jeedisay Dowladda Federaalka oo ahaa in ay duulimaadyadooda sii wataan, isla markaana aysan u hoggaansamin amar uu dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ku xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho .
 
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa maalintii todobaad wuxuu u xiran yahay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxaana tan iyo Talaadadii aynu ka soo gudubnay ku soo degay labo diyaaradood oo kala ah middii saaka soo degtay iyo mid 19kii bishan ku soo degtay, taasi oo saanad ciidan u waday Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia