Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha iyo Hay'adaha Samafalka oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta
Isniin, September 22, 2008(HOL): Kulanka oo ahaa mid ay goob joog ka ahaayeen Mas'uuliyiinta ugu sareysa Midowga Maxkamadaha ee Gobalka Hiiraan iyo inta badan Hay'adaha Samafalka ayaa si qoto loogu lafa guray doorka hay'adaha Samafalku ay ka qaadan kaaraan u gar gaarida dadka ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
 
Shiikh C/raxmaan Cali Macow oo ah Wakiilka Midowga Maxkamadaha ee Gobalka Hiiraan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ujeedadu tahay bal in ay ogaadaan kaalinta hay'adaha Samafalku ka qaateen dhibaatada muuqata ee la soo daristay Qoysas badan oo ku dhaqan deegaano ka tirsan Gobalka, kuwaasoo isugu jira qaar ka barakacay dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo waliba kuwo ay ku dhufteen abaaro sababay in ay dhaafaan duunyo wixii ay la haayeen.
 
C/llaahi Warsame Walaalow oo ku hadlayay magaca hay'adaha Samafalka ayaa isaga oo ka jawaab celinaya su'aasha Mas'uuliyiinta Maxkamadaha waxaa uu sheegay in hay'aduhu wax kasta oo ay qaban la haayeen ay ka horeyso in la helo Nabad-galyo lagu dhaq dhaqaaqi karo.
 
 ''Inta badan hay'adaha samafalka waxaa Maamula Rag Ajnabi ah, Runta marka laga hadlayana weynu la socnnaa sida xaalku maanta yahay, sidaa daraadeed Su'aalaha inta badan nagu soo noq noqda waxaa ka mid ah, ka warama Nabad-galyada, Suurta gal ma tahay in meel hebla la tago, waliba waxaan rabaa in aan intaas idinku daro Ragga Ajnibiga ah waxaa ay jecel yihiin marka howl la qabanayo in ay goob joog ahaadaan, taana waqtigan suurta gal ma'ah ayuu yiri C/laahi Warsame.
 
Dhinaca kale waxaa uu si weyn ugu cel celiyay C/laahi Warsame amaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo uu sheeagay in uu yahay xiligan mid aan furneyn kadib markii dhowr jeer oo hore ay ku dhaceen Madaafiic ay si weydaarsanayeen Xoogagga Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya, waana tan keentay ayuu yiri in uu in uu yaraado dhaq dhaqaaqa hay'adaha samafalka.
 
Laakiin Mas'uul ka tirsan Maxkamadaha oo kulanka fadhiyay ayaa markiiba si lama filaan ah ugu eedeeyay hay'adaha Samafalka iyo Odayaasha dhaqanka Gobalka in ay yihiin kuwo aan rabin in ay u naxariistaan dadkooda dhibaateysan ''' Xitaa Maalin maalmaha ka mid ah lama maqal Odayaasha oo ka hadlay dhibaatada heysata dadka tabaaleysan' ayuu yiri Mas'uulkaasi oo dhinaca kale tusaale u soo qaatay Odayaasha Muqdisho oo sida uu hadalka u dhigay maalin kasta ku qeylinaya in la caawiyo dadka ku barakacay daafaha Magaalada Muqdisho.
 
''Runta marka aan idiin sheegno haddii aad tihiin hay'adaha Samafalka kaliya waxaad fiirsataan mushaarkiina, xitaa waxaad gadaneysaan kaalmadii yareyd ee loogu tala galay dadka dhibaateysan, laakiin ogaada hadda wixii ka danbeeya waxaan diyaar u nahay in aan idinla xisaabtano" ayuu intaa sii raaciyay.
 
Intaa kadib waxaa si kulul isagana hadalkaa uga jawaabay Xasan Mahdi oo ku hadlayay Magaca hay'adda Care oo sheegay in marka hore Maxkamaduhu joojinayaan cabsi galinta lagu hayo shaqaalaha Samafalka oo qaarkood lagu hanjabo in la dilayo '' Annaga kaalinta aan leenahay ma'aha in naloo tilmaamayo, balse waa in wada shaqeyntu ka timaadaa labada dhinaca si markaas arimuhu u hagaagaan ayuuna yiri Xasan Mahdi.
 
Waxaa  xusid mudan in Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo dhinaca ka fadhiyay kulanka ay la haayeen Maxkamadaha iyo hay'adaha uu ka shanqariyay arin ka duwan waxyaabihii laga wada hadlayay kulanka  isagoo carabka ku dhuftay in Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Jante-kuundisho u qabteen labo cisho in magaalada uga baxaan Ciidamada Maxkamadaha, sidaa daraadeed loo baahan yahay in taas laga wada hadlo sida laga yeelayo halkii lagu daali lahaa arimo kale oo aan la hubin sida ay ku qabsoomi karaan.
 
Hase ahaatee ka hadalka arintaas ayaa waxaa si gaar ah uga ballamay Odayaasha iyo Mas'uuliyiinta Maxkamadaha, ugu danbeytiina kulanka Maxkamadaha Islaamiga iyo hay'adaha samafalka ayaa waqti kale loo balamay si horay loogu sii dhaqaajiyo waxyaabaha ay ka hadalkooda bilaabeen.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia