Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo cambaareeyay duqeyn Muqdisho loogu geystay Dad rayid ah

Cabirka Farta
Isniin, September 22, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyn ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom ka geysteen Xaafado ay dad rayid ah degan yihiin oo ku yaala Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag iyo weliba qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.
 
Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in xaafado ay dad rayid ah degan yihiin madaafiic lagu garaaco, wuxuuna sheeay in ay falalkaas cambaareynayaan.
 
"Waxaan caalamka u sheegeynaa in Ciidamada Amisom ay la mid noqdeen kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo horay loogu yaqiinay in ay dadka shacabka ah dhameeyaan"ayuu yiri C/llaahi Dheere.
 
Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu intaas ku daray in duqeyn xalay iyo maanta ka dhacday Magaalada Muqdishoay ku dhinteen dad aad u fara badan, kuwaasi oo ay madaafiic ku dul habsadeen iyagoo guryahooda iyo goobahooda ganacsi iska jooga.
 
Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dad gaaraya 30 ruux ay ku dhinteen duqeyn xalay iyo saaka ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo dadkaasina ay isugu jireen kuwo ay madaafiicda kula dhaceen guryahooda, goobahooda ganacsiga  iyo waddooyin ay socdeen.
 
19-kii bishan ayay ahayd markii duqeyn sidan oo kale ka dhacday magaalada Muqdisho ay ku dhinteen dad 20 ruux ku dhow, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 ruux oo kale, waxayna duqeyntaas timid kadib markii Dhaqdhaqaaqa  Al-Shabaab ay Madaafiic ku tuureen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay ka soo degeysay Diyaarad Mileteri oo u socotay Ciidamada Amisom, iyadoo kadibna ay Ciidamada Amisom madaafiic ku jawaabeen.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia