Isniin, September 22, 2008(HOL): Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta xoog ku soo furtay Nin u dhashay Dalka Jarmalka, kaasi oo ay kooxo dablay ah habeenkii Sabtid ahayd ka afduubteen Magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka Bari.
Hawlgalka lagu soo furtay Ninkan Ajnabiga ah waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah afduubayaashi sida uu saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole.
Guddoomiyaha Gobolka Bar i waxaa uu intaas ku daray in gacanta lagu soo dhigay af-duubayaashii Ninkani Ajnabiga ah oo lix gaaray, kuwaasi oo laga soo qabtay Buuraha Dhaadheer ee Gobolka Bari.
Maamulka Gobolka Bari ayaa tilmaamay in ay aad u Wanaagsan tahay xaaladda Caafimaad ee labada Lamaane, iyadoo xaaskiisana ay tahay Muwaadinad u dhalatay Dalka Somalia.
Soo furashada la soo furtay Ajnabigan u dhashay Dalka Jarmalka Iyo Xaaskiisa waxaa soo dhaweeyay Dhamaan Shacabka Puntland ,iyadoo hore soo furashada ninkani ay gacan ballaaran ka gaysteen NabadoonnadaGobolkaasi.
Isku soo wada duuboo Soo furashada Lamaanayaashan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, xilli afduubyada Badda iyo kuwa Berigaba waqtiyadii la soo dhaafay ay ku soo badanayeen deegaanno badan oo ka mid ah Puntland.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe ,Somalia
Ciidanka Booliska Puntland oo Xoog ku soo furtay Nin Jarmal ah oo afduub loo haystay
Cabirka Farta
More News
- Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo wadajir u magacaabay Hay'ad ka shaqeyn doonta fududeynta Gargaarka Bani'aadannimada
- Diyaarad ganacsi oo ka degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho
- Duqeyn ay dad badan ku dhinteen oo xalay ilaa saaka ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo cambaareeyay duqeyn Muqdisho loogu geystay Dad rayid ah
- Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha iyo Hay'adaha Samafalka oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Beledweyne