Muxuu ku dhammaaday Shirkii maalmahaan ka socday magaalada Jabuuti

Cabirka Farta

Jacfar Kuukaay
Sebtember 21, 2008

Jabuuti (HOL) - Iyadoo Muddo dhowr maalmood ah dib loo dhigay saxiixa kama dambeysta ah ee heshiiska lagu gaaray waddanka Jabuuti sababo la xiriira caqabado is daba joog ah oo ka imanayay labada geesoodba ayaa caawa oo la filay in heshiiskaasi qalinka lagu duugo waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in tallaabadaasi dib loo dhigay Muddo 30 maalmood ah.
 
Arrintan ayaa timid kadib markii labada dhinacba ay codsadeen in waqti ku filan la siiyo kaasoo ay awood ugu yeelan karaan in dhinacyada ay matalayaan ay kaga dhaadhacsiiyaan faa'iidada heshiiska iyo duruufaha keenay tanaasulka ay dhinacyada qaar muujiyeen.
 
Kulankii la filayay in caawa qalinka loogu duugo heshiiskaasi oo ay kazoo qeyb galeen guud ahaan wufuudda labada dhinac masuuliyiinta DFKG & Isbaheysiga Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin kale oo mataleysay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in saxiixii heshiiska oo maalmahanba leysku jiidjiidayay dib loo dhigay .
 
Waxaa munaasabadda hadallo kala duwan ka jeediyay guud ahaan masuulioyiintii kazoo qeyb gashay kuwaasoo ay ugu baaqayeen dhinacyada Soomaalida ee is haya in ay khilaafkooda soo afmeeraan iyagoo u daneynaya shacabka Soomaaliyeed.
 
Kadib markii kulanku uu soo idlaaday ayaa waxaa Shir jaraa'id si wada jir ah u qabtay Raysal-wazaaraha dowladda Soomaaliya Nuur xasan Xuseen iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo ay ku sheegeen in shirkii muddada 4ta maalmood ah uga soconayay labadooda garab dalka Jabuuti uu guul kusoo dhamaaday.
 
Waxa ay sheegeen in dib u dhigista ku timid saxiixa heshiiska aanay micnaheedu aheyn in shirkii uu guul darreystay iyagoo isku raacay in waqtiga fursadda ah ee la siiyay uu yahay mid lagama maarmaan u ah fulinta heshiiska.
 
Arrimahaasi oo idil ayaa waxa ay yimaadeen kadib markii laba habeen kahor uu baaqday saxiix la damacsanaa in lagu jiido heshiiska gaar ahaan midka quseeya amaanka hase yeeshee daqiiqado kooban ka hor ayaa waxaa arrintaasi ka baaqsay wafdiga dowladda oo uu Nuur cadde ugu horreeyo iyagoo si gaar ah u sheegay in loo baahan yahay in wax laga badalo qodobka ah in muddo 30maalmood ah ay ciidamada Itoobiya kaga baxaan dhamaan gudaha magaallooyinka Soomaaliya .
 
Iska daba noqod fara badan ayaa waxa wax laga baddalay qodobkaasi oo laga dhigay in ciidamada Itoobiya ay 30casho gudahood kaga baxaan goobaha ay dadka rayidka ahi dagan yihiin qodobkaasina waxa uu u ogolaanayaa itoobiyaanka in ay sii daganaadaan xeryaha ku dhex yaalla magaalooyinka sida Muqdisho.
 
Arrintaasi ayaa waxaa ka carooday Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo gabi ahaanba diiday inuu soo xaadiro goobtii la doonayay in mar kale heshiiska lagu saxiixo .
 
Ugu dambeyntiina waxa ay labada dhinacba isla meel dhigeen in 30 maalmood dabadeed saxiixa dib leysugu soo laabto inta ka horreysana taageerayaasha labada dhinac laga soo raarido.

Waxaa warbixintaan magaalada Jabuuit nooga soo diray:
Jacfa Kuukaay
E-mail: [email protected]