Axad, September 21, 2008(HOL): Ugu yaraan 13 Ruux ayaa ku dhaawacantay gaari nooca caga badanta ah oo maanta ku Rogmaday Tuulada Yako oo 30 KM u jirta Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland.
Dhaawaca Dadkaasi ayaa loola cararay Isbitalka Degmada Qardo si halkaasi loogu dabiibo , waxaana laga soo dayrinayaa Qaar ka mid ah xaaladdooda Caafimaad dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi Gaari.
Wararku waxeey intaasi ku darayaan in mid ka mid ah dhaawaca dadkaasi uu ku geeriyooday Isbitalka degmada Qardho sababo la xiriira dhaawaca soo gaaray oo ahaa mid aad halis u ahaa.
Gaarigaan Rogmaday oo ahaa Nooca ay Soomaalida u taqaano Caga badanta ayaa ku sii jeeday Magaalada Boosaaso,waxaana uu ka soo kicitimay Magaalada Gaalkacyo, iyadoo dushiisa ay ku rarnaayeen xoolo aad u fara badan.
Shilkaan ay dadka ku dhaawacmeen ayaa dhacay kadib markii gaariga uu ka baxay seedkii uu ku socday sida ay soo sheegayaan dad Goob joogayaaal ah oo ka ag dhawaa tuulada Yako oo ah Goobta uu gaarigaani ku rogmaday.
Bil ka hor ayay ahayd markii gaari Caynkan oo kale ah uu ku rogmaday meel ku dhaw Meer Meerka Boosaaso ,kaasi oo ay dadi ku dhinteen, waxaana meelaha qaar ay Waddooyinku yihiin kuwa bur bursan oo haddii aan la dayactirin dhibaato kale geysan kara.
Inkastoo uusan ahayn Shilkii ugu horeeyay ee ka dhaca meel ku dhaw Degmada Qardho ayaa hadana inta badan waxaa sabab looga dhigaa Darawallada wada Gaadiidka oo ku soconaya xawaare ka baxsan midkii loogu tala galay.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe ,Somalia