Maamulka Degmada Boosaaso oo cambaareeyay Af-duub loo geystay Nin Jarmal ah oo howlo shaqo u joogay Boosaaso

Cabirka Farta

Axad, September 21, 2008(HOL): Maamulka Degmada Boosaaso  ayaa cambaareeyay af-duub habeenkii xalay ahaa Gudaha Magaalada Boosaaso loogu gaystay Nin u dhashay dalka Jarmalka, kaasi oo Magaalada Boosaaso u joogay sida la sheegay hawlo shaqo.

Duqa Degmada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in falkani ay gaysteen Dad  wax-ma-garato ah ,isla mar kaana dadaal loogu jiro sidii Ninkaasi ajnabiga ah xoriyadiisa dib loogu soo celin lahaa.

C/risaaq Xareed Ismaaciil Duqa Degmada Boosaaso  waxaa uu tilmaamay in ay socdaan dadaallo ku aadan sidii loo soo furan lahaa Ninkaasi Ajnabiga oo muddo gacanta ugu jira kooxihii af-duubka u gaystay .

Ninkankan ayaa la sheegay in la af-duubtay xili uu marayay meel ku dhaw  Shirkadda   Taleefanada ee Netco, waxaana afduubkiisa gaystay kooxo ku hubaysnaa Baastooolado iyo hub kale oo aad u fara badan.

Wararku waxey intaasi ku darayaan in Ninkani lala afduubtay haweeney Somaali ah oo uu qabay , waxaana  kooxihii afduubtay ay la galeen Buuraha Bari sida uu sheegay Maamulka Gobolkaasi.

Labo Bilood ka hor ayay ahayd markii Magaalada Garowe lagu fashiliyay isku day afduub oo la doonayay in loo gaysto Haweenay Ajnabi ah oo u shaqaynaysay hay’adda DRC, waxaana fashilinta falkaasi ku guulaystay Ciidamo ka tirsan Puntland.

Falkan ayaa markii uu dhacay  waxaa si weyn looga dareemay Magaalooyinka kale ee Puntland, iyadoo  arintani ay qayb ka noqoneyso amni xumo baaxad leh oo waqtiyadii la soo dhaafay ku soo badanaysay meelo ka mid ah Puntland.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe ,Somalia