Maxkamadaha Islaamka oo mar kale ku celiyay in ay ka xun yihiin xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, September 21, 2008(HOL): Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa mar kale waxay ku celiyeen in ay aad uga xun yihiin in la xiro Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Howlgallada u qaabilsan Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in xirnaashaha garoonka ay dhibaato weyn ku qabaan shacabka Soomaaliyed oo uu sheegay in ay siyaabo kala duwan uga dhoofi jireen, ugana soo degi jireen.

“Garoonka Diyaaradaha waan la soconnaa in uu cadaw ku adeegto oo uu Ciidamo iyo hub kala soo dego, hadana waxaan aaminsannahay in garoonka ay faa’iido badan ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay ku talinayaan in garoonka dib loo furo, si ay meesha uga baxdo baahi badan oo ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan isticmaalkiisa, “hadda waxaa jira dad ku dhaawacmay dagaallo Muqdisho ka dhacay intii uu  garoonka xirnaa, kuwaasi oo qaarkood ay suurtagal tahay in aan dalka gudahiisa wax looga qaban karin”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu xiran maalintii 6aad, iyadoo tan iyo xiligaasna aysan ka soo degin wax diyaarad ah, marka laga reebo Diyaarad Mileteri oo u socotay Ciidamada Amisom, taasi iyadana markii ay soo degeysay madaafiic lagu weeraray.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab bayaan uu soo saaray uu ku sheegay in uu xiran yahay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo taasina uu sabab uga dhigay in garoonka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom, kuwa Itoobiya, madaxda Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay ka soo degaan Saraakiil sir-doon ah oo Mareykan iyo Israa’iil isugu jiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia