Jimco, September 19, 2008(HOL): Magaalada Muqdiso ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta gelinkii dambe waxaa ka dhacday duqeyn ay is-weydaarsadeen Ciidamada Amisom, kuwa Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda.
Duqeyntaas oo khasaare badan geysatay ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 19 ruux iyo dhaawac ku dhow 40 ruux, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiicdii la is-weydaarsanayay.
8 ka mid ah Dadka dhintay ayaa waxay ku geeriyoodeen nawaaxiga KM5 ee Degmada Hodan, 3 kalea waxay ku naf waayeen Suuqa Cir-toogte ee Bakaaraha, halka 3 ruux oo kalena ay ku dhinteen inta u dhaxeysa nawaaxiga Masjidka Macallin Biya-maalow iyo agagaaraha Isgoyska Dabka oo ka kala tirsan Degmooyinka Howl-wadaag iyo Waaberi.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) oo aan la xiriirnay ayaa isna wuxuu sheegay in Isbitaalka Madiina la gaarsiiyay Dad dhaawacyo kala duwan qaba oo tiradooda gaareysay 38 ruux, kuwaasi oo uu caddeeyay in 5 ruux oo ka mid ah oo weliba 3 ay caruur ahaayeen ay gudaha Isbitaalka ku geeriyoodeen intii gargaarka deg dega ah loo sameynayay.
Duqeynta galabta ka dhacday magaalada Muqdisho oo ahayd mid aan la isugu naxariisan ayaa waxaa is-weydaarsanayay Ciidamada Amisom, kuwa Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Al-Shabaab oo ka soo horjeeday, waxayna duqeyntaas timid kadib markii Xoogagga Al-Shabaab oo beryahan uu u xirnaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay garoonka dhowr madfac ku tuureen kadib markii ay garoonka soo caga dhigatay Diyaarad sahay u waday Ciidamada Amisom ee degan gudaha iyo hareeraha Garoonka Diyaaradhaa Muqdisho.
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa duqeyntaas kadib waxay sheegteen in ay madaafiic ku weerareen seddex goobood oo kala ah Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Villa Somalia iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyagoo sheegay in ay seddexdaas goobood khasaare ugu geysteen Ciidamo ku sugnaa.
Laakin Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bohuko wuxuu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray garoonka iyo diyaaraddii u socotay, wuxuuna caddeeyay in diyaaraddaas oo si nabadgelyo ah ku soo degatay garoonka ay si nabadgelyo ah u duushay.
Dhanka kalena, Afhayeen u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Xirsi ayaa isna ka hadlay duqeyntii galabta ka dhacay Muqdisho wuxuuna sheegay in madaafiic ay Xoogagga Al-Shabaab u tuureen dhinaca Xarunta Villa Somalia ay uga jawaabeen kaliya labo madfac oo uu sheegay in ay ku dhaceen xaafadda Bermuuda, gaar ahaan dhismayaal aaney Dad deganeyn, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Duqeynta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo muddo afar maalmood ah uu Garoonka Diyaaradaha Muqdisho u xirnaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo Bayaan ay soo saareen ku sheegay in uu xiran yahay Garoonkaas, walow saraakiil u hadlay Dowladda Federaalka ay sheegeen in uu Garoonka furan yahay, isla markaana ay Shirkadaha Diyaaradaha ku soo degi karaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia