Magaalada Boosaaso oo maanta degan kadib Dagaallo dad ay ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Magaaladaasi

Cabirka Farta


Jimco, September 19, 2008(HOL): Waxaa maanta degan xaaladda guud ee Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsi ee Puntland , taasi oo shalay dagaal uu ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska  Puntland iyo kooxo kale oo lagu tilmaamay in ay ahaayeen Burcad badeed ku soo jeeday Magaalada Boosaaso.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso waxaa ku dhintay hal Ruux halka Shan kalena dhaawacooda la jiifiyay Isbitalka Bandar Qaasim ee Magaalada Boosaaso si loo dabiibo, iyadoo uu   dagaalkaasi  reebay saansaan xiisadeed oo dhanka Amniga ah.

Kontaroolka Magaalada Boosaaso waxaa maanta la keenay Gaari Nooca Three Fta ah , kaasi oo  ay Ciidamadu gubeen, xiligii uu socday dagaalkii shalay dheax maray Booliska iyo kooxihii kale.

Dhamaan waxaa yaraaday Gaadiidkii u bixi jiray Magaalooyinka Garowe iyo  Gaalkacyo, iyadoo arintaasina ay sabab u tahay xiisado colaadeed oo si wayn wali looga dareemayo Gudaha Magaalada.

Dhaq dhaqaaq dhanka amniga ah oo ay  wadaan   Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa si xooggan looga dareemay Gudaha Magaalada Boosaaso, iyadoo Ciidamo dheeraad ah la geeyay Kontroolka Magaalada si ay uga hor tagaan falalka amni xumo.

Dhawr jeer oo hore waxaa Kontroolka Boosaaso uga dhacay iska hor imaadyo ay dad ku dhinteen, kaasi oo inta badan horay u soo dhex maray ciidamo ka tirsan Puntland iyo kooxo kale.

Isku soo wada duuboo arimahaan ayaa waxa ay  ku soo beegmayaan, iyadoo labo maalin ka hor dhaawac aad u culus Magaalada Boosaaso loogu gaystay Taliyaha Ciidanka Booliska DGPL General Gaani Max,ud Xaashi kaasi oo dhaawiciisa loo qaaday Dalka Jabuuti

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia