Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xayiraad Duulimaad ku soo rogtay Shirkadaha Diyaaradaha Daallo, Jubba, Africa iyo Gallad

Cabirka Farta

Jimco, September 19, 2008(HOL): Maareeyaha guud ee Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Maxamuud Shiikh Cali (Dable Pilot) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ruqsaddii shaqo kala laabteen shirkado diyaaradeed oo isticmaali jiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dable Pilot waxaa uu sheegay in  ay shirkadaha Daallo Airlines, Jubba Airways, Africa Express iyo Gallad Air ay kala laabteen ruqsaddii ay u heysteen in ay isticmaalaan garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna ku sheegay sababta ay xayiraadda duulimaad ugu soo rogeen in ay la xiriirto iyagoo ka dhego adeygay baaq ay u soo jeedisay Dowladda Federaalka oo ahaa in ay Duulimaadyadooda sidii caadiga ahayd u sii wataan.

“Shirkadahaas waxay u muuqdaan in ay u hoggaansameen amarkii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ahaa in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, sidaas darteedna waxaan ka joojinay in ay ka soo degaan diyaaradahooda Garoomada Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed) oo ah Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay si isku mid ah u sheegeen in haddii Shirkadaha Diyaaradaha aysan ka soo degin Garoonka Diyaaradaha lagala noqon doono warqadaha ruqsadda shaqo.

Hadalka uu maanta sii daayay Maareeyaha guud ee Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Dable Pilot ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu maalintii afaraad ku xiran yahay amar ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, kaasi oo ahaa in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu saameeyay dad badan oo doonayay in ay dalka ka dhoofaan iyo kuwo ku soo laaban lahaa oo haatan ku xayiran dalalka deriska, iyadoo sidoo kalena ay jiraan dad doonayay in ay arrimo caafimaad ugu amba baxaan dalka dibaddiisa, kuwaasi oo iyana uu saameeyay xirnaashaha garoonka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia