UNICEF oo Tallaalka Jadeecada siisay Caruur gaareysa 142,000

Cabirka Farta

Jimco, September 19, 2008(HOL): 142,654 carruur ah ooay da'doodu u dhaxayso sagaal bilood ilaa 15 sano ayaa looga tallaaley Jadeeco ololihii u dambeeyey ee laga fuliyey xerooyinka Dadka Gudaha ku Barakacay ee Muqdisho iyo Afgooye iyo bartamaha Soomaaliya, kaas oo socdey intii u dhaxaysay 27 Agoosto ilaa 4tii Sebtembar 2008, UNICEF ayaa sidaa shaaca ka qaaddey.

"Iyada oo ololaha lagu fuliyey xaalad aad isugu qasan oo ay isugu darsameen roobab iyo nabadgelyo xumo, kooxaha tallaalka ayaa ku khasbanaa in goobaha qaar ay xalliyaan arrimo dhib badan," ayuu yiri Wakiilka UNICEF Soomaalia, Christian Balslev-Olesen. "Marka laga soo tago halista jadeecadu leedahay, haddana waxaa jirtey in xaaladda nabadgelyadu ay sii xumaaneysey gaar ahaan qaybtan Soomaaliya ka mid ah, gaar ahaan meelaha ay ku nool yihiin dadka gudaha ku baro kacay. Intaa waxaa dheer in ay dalka ka jirto nisbo nafaqo-darro aad u sarreysa. Culays weyn ayaa lagala kulmey gaaritaanka Dadka Gudaha ku Barokacay kuwaas oo iskahorimaadyada daraaddood badidoodu ku baahay waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye."

Jadeecada ayaa ah dhibaato weyn oo haysata caafimaadka guud ee Soomaaliya, in kasta oo xogta ku saabsan dhibaatada guud ee jadeecada ay aad u yar tahay, haddana xogta kooban ee la heley waxa ay tusineysaa in ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keena dhimashada carruurta. Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah nisbada ugu badan ee dhallaanka iyo carruurta ay da'doodu ka yar tahay shan jirka ee dhinta dunida oo dhan taas oo ah 86  - 1000kii carruur ahba iyo 135  - 1000kii ilmo ee nolol ku dhasha. Waxaa si joogta ah u hela tallaalka jadeecada qiyaastii 19% dalka oo dhan.

Ololaha waxaa fuliyey NGO degaanka ah oo lagu magacaabo Jumbo Peace and Development Organization, isaga oo kaashanaya bulshada degaanka, waxaana lagu beegsadey 95% da'yarta ku nool deggaannada laga fuliyey. 105 kooxaha tallaalka ah ayaa ka qaybqaatey hawsha ka socotey goobaha cayiman halka 20 kooxood oo wareega laga sameeyey Dayniile, Kax Shiiqaal, xerooyinka Dadka Gudaha ku Barokacay ee Muqdisho iyo sidoo kale xerooyinka Dadka Gudaha ku Barokacay ee ku yaalla waddada Afgooye ee Bartamaha Soomaaliya.

Ololahan jadeecada ee ugu dambeeyey waxa uu dhammeystir u ahaa ololihii dalka oo dhan laga fuliyey sanadkii 2007 kaas oo lagu gaarey 450,000 oo carruur ay da'doodu u dhaxayso sagaal bilood ilaa 15 jir ah. Ololahaas hore waxaa ka dhashey natiijo ah in dadka uu ay ku dhacdo jadeecada ay hoos ugu dhacaan min 3,836 oo lala kulmey nuskii hore ee 2006 ilaa 564 xaaladood oo la heley isla muddadaas sanadkii 2007 iyada oo la soo sheegey in ay u dhinteen 7 qof oo keliya nuskii hore ee 2007.

"Iyada oo tirada Dadka Gudaha ku Barokacay ay sii kordhayso Muqdisho iyo Afgooye, ololahan ayaa dad ka ilaalinaya mid ka mid ah cudurada la isqaadsiiyo ee ugu badan. Dadka oo goob ku bata, nafaqo xumo iyo caafimaadka guud oo liita ayaa keeni kara in ay dilaacdo jadeeco disha carruur badan," ayaa ay tiri Unni Silkoset, oo ah Khabiirka caafimaadka ee

UNICEF Soomaaliya. "UNICEF iyo shariikyada ay iskaashadaan waxa ay sii wadaan dadaal lagu yareynayo qaadidda cudurka iyaga oo adeegsanaya tallaal, ololeyaal iyo daweynta dadka ay ku dhacdo oo joogto ah iyada oo la qorsheynayo qaabab cusub oo dadka lagu gaarsiinayo waxqab dhammeystiran."

Caabuqa jadeecadu waxa tilmaamaha koowaad ee lagu garto ay yihiin dhecaan sanka iyo afka ka yimaada ka dib 7 ilaa 14 maalmood oo qandho ah, duuf sanka ka yimaada, iyo indhaha oo casaada. Jadeecada ayaa ah cunsur ka qayb qaata nafaqo-darrada halka ay nafaqa-darraduna ay sidoo kale kor u qaaddo halista jadeeco lagu qaadi karo.

Xaaladda UNICEF

UNICEF  waxa ay ka shaqeysaa in ka badan 150 dal iyo dhul si ay ugu caawiso in  ay carruurtu  badbaadaan oo ay baraaraan, laga soo bilaabo yaraantooda ilaa qaangaarkooda.

Waa  hay'adda  tallaalka  ugu badan siisa dalalka soo koraya,  UNICEF  waxa  ay taageertaa caafimaadka iyo nafaqeynta carruurta, biyo  iyo  fayadhowr  wanaagsan, waxbarasho  aasaasi  ah oo tayo leh oo ay helaan  dhammaan  wiilashada  iyo gabdhaha, iyo ka ilaalinta carruurta laga ilaaliyo   rabshadda,   dhiig-miirashada,   iyo   AIDS.   UNICEF  waxaa  ay maaliyaddeeda  oo  dhan  ka heshaa qaaraan ikhtiyaari ah oo ay shakhsiyaad, ganacsiyo, mu'asassooyin iyo dowlado bixiyaan.

Xog intaa dheer kala soo xiriir:

Unni Silkoset, Maareeyaha Samatabixinta iyo Horumarinta Carruurta
(ku-meel-gaar), UNICEF Somalia Central South Zone, Mobile:
+254-712445369 ama +252-1-5267598. Email: [email protected]

Suraya Dalil, Madaxa, Caafimaadka iyo Nafaqeynta,  UNICEF Somalia.
Mobile: +254 724 255-646. Office:  +254 20 7623950/+254-20-7623953, Ext.
314 Email: [email protected]

Denise Shepherd-Johnson: Madaxa Is-gaarsiinta, Mobile: +254 722 719 867.
Telefoon Toos: +254 20 7623958. Email: [email protected]
Robert Kihara, Sarkaalka Isgaarsiinta, Mobile: +254 722 206 883. Email:
[email protected]
_______________________________________________________________________
Denise Shepherd-Johnson, MSc
Chief of Communication
UNICEF Somalia Support Centre
P.O. Box 44145, Nairobi, KENYA, 00100
Tel: (254-20) 7623950/53/55/70
Tel. Direct: (254-20) 7623958
Mobile: (254) 722-719867
Fax: (254-20) 7623965 or 520640
Email: [email protected]