Xildhibaannada Baarlamaanka oo ka soo horjeestay Qodob ka mid ah Qodobadii ay ku soo heshiiyeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Cabirka Farta

Khamiis, September 11, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee ADC-da ayaa waxay ka soo horjeesteen qodob ka mid ah qodobadii ay ku soo heshiiyeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Qodobkan oo ahaa in Wasiirradii is-casilay xilalkoodii loo soo celiyay ayay Xildhibaannada Baarlamaanka si weyn uga soo horjeesteen, waxayna ugu dambeyntii u codeeyeen in Wasiirradaas oo ka koobnaa 10 wasiir iyo 3 wasiir ku xigeen aaney ku soo noqon karin xilalkooda.

Markii ay Xildhibaannada ka doodeen Qodobkaas ayaa ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu go’aamiyay in cod loo qaado in Wasiirradaas ay xilalkoodii ku soo noqdaan iyo in aaney ku soo noqon karin.

190 Mudane oo ka qeybgashay kulankii ay Xildhibaannada Baarlamaanka isugu yimaadeen ayaa 175 ka mid ah waxay u codeen in aaney Wasiirradaas ku soo noqon karin Xukuumadda Federaalka, halka 15 mudane oo kuwaas ka soo horjeeday ay  u codeeyeen in ay xilalkooda  ku soo noqdaan.

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxay horay u soo jeediyeen doodo ku saabsan in aanu heshiiskaas ahayn mid xalaal ah, iyagoo ku doodayay in loo baahnaa in haddii ay madaxda dowladda is-qabtaan ay baarlamaanka kula noqdaan waxyaabaha ay isku hayaan.

Dhawaan  ayay ahayd markii ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay fuliyeen qodob ka mid ah Heshiiskii ay Addis Ababa  ku soo gaareen, kaasi oo ku saabsanaa maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia