Khamiis, September 11, 2008(HOL): Qarax sababay dhaawac 10 ruux ka badan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay, iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid loo adeegsaday Miinooyinka Dhulka lagu aaso.
Qaraxan oo ka dhacay Suuqa Digaaga Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas ku sugnaa, kuwaasi oo la sheegay in ay qaraxa uga dhaawacmeen labo askari.
Dadka dhaawacmay ee tiradooda 10-ka ruux ka badan tahay ayaa waxay u badnaayeen Haween ku sugnaa Suuqa Digaaga Magaalada Baydhabo, waxaana dhaawacooda lagu daweynayaa Isbitaalka Baydhabo.
Qaraxa kadib ayaa waxaa la arkayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo qab-qabanayay dad ay uga shakiyeen in ay ku lug lahaayeen Qaraxaas, kuwaasi oo ay la aadeen dhinaca Saldhigga Booliska Baydhabo.
Ma ahan qaraxii ugu horeeyay oo waxyeelo geysta oo ka dhaca Magaalada Baydhabo, waxaana jiray qaraxyo noocaan oo kale ah oo ka dhacay Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo weliba lala beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda iyo weliba guryo ay degan yihiin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore Magaalada Baydhabo lagu dilay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye oo isagoo ka soo baxay masjid uu Salaaddii Taraawiixda ku soo tukaday uu toogtay Nin Bastoolad ku hubeysan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia