Khamiis, September 11, 2008(HOL): Nabadoonada Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in dadaal ballaaran ay ugu jiraan sidii ay u dhamayn lahaayeen khilaaf soo kala dhax galay Maamulka Gobolka Iyo kan Degmada Boosaaso.
Khilaafka soo kala dhaxgalay Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Duqa Degmada Boosaaso ayaa ka dhashay dacwado ay labada Masuul u kala Gudbiyeen Madaxwaynaha DGPL, kaasi oo midba midka kale uu ku eedaynayo.
Nabaddoon C/Casiis Af-guduud oo ka mid ah Nabaddoonnada Gobolka Bari ayaa tilmaamay in rajo laga qabo dhamaynta khilaafkaasi soo kala dhax galay labada Mas’uul.
"Wax Munaasib ah ma ahan in shacabka Gobolka la qaldo,waana muhiim in arintan aan dhamaynaa haddii aan nahay Nabaddoonada Gobolka Bari " Sidaasi waxaa yiri C/Casiis Af-gaduud oo la hadlayay Nabaddoonada Gobolka BAri.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii labada Mas’uul ay isku faro saareen Xarunta Gobolka ee Magaalada Boosaaso, xilli la doonayay in khilaafkooda la soo af-meero. Dadaalka ay Nabadoonnada ugu jiraan dhameynta khilaafkani ayaan ahayn mid iminka la yaraysan karo, waxaana arintani dhawr jeer oo hore ay uga dhacday madaxdii ka horeysay labadani Masuul.
Tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafkan u dhaxeeyay Duqa Degmada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaciil Iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole ayaa dhamaan laga dareemay Gobolkaasi, iyadoo hakada aad u ballaaran uu ku yimid shaqada Maamulka Degmada iyo Kan Gobolka.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia