Waa sidee Xaalada Qoysas ka soo barakacay dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo ku sugan Gobalka Hiiraan?

Cabirka Farta


Khamiis, September 11, 2008(HOL): Marka la eego Xaalada Nolosha Qoysaska barakacay ee ku nool qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan waa kuwo sii kala daran, gaar ahaan xaalada nolasha oo ah mid sii kala liidata haba ugu darnaadeen kuwa ka soo hayaamay deegaanada fog fog ee ka baxsan Gobalka Hiiraan.

Deegaanka Buundo-madow oo 5-km dhinaca Bari kaga beegan Tuuladda Beer-gadiid ee Gobalka Hiiraan waxaa ku sugan in ka badan 150 qoys oo markoodii hore ka soo barakacay deegaano ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sida Baarsiyaable, Qal-qalooc, Gel, iyo Ooxaale oo ay ku dhufteen abaaro daran oo qasab ka dhigay in qoysas badan isaga hayaamaan.

Qaar ka mid ah Qoysaskan markoodii hore waxaa ay gaareen deegaanka Ceel-dheer oo ka tirsan Degmada Buula-burte iyaga oo jaray Masaafo dhan 200-km, laakiin Bartamihii bishan ayay dib ugu soo laabteen deegaano hoos taga Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan bal si markaa ay u helaan nolol dhaanta tii ay kala kulmeen deegaanka Ceel-dheer.

Laakiin rajadii dadkaasi ay qabaan ma noqon mid rumowda kadib markii ay ka waayeen deegaanadii ay soo gaareen nolal ka duwan tii hore, waxaa dhaafay dhamaan Xoolihii ay dhaqanayeen intii yared ee soo hartayna iskaba daa in manaafacaad laga helo ee Xitaa waxaa ay gabeen Socodka.

HOL oo ka mid ah aheyd koox ka tirsan Urur lagu magacaabo Dhaqdhaqaaqa Samafalka iyo Horumarinta oo gaaray deegaannada ay dadkaasi ku nool yihiin ayaa halkaas ku soo aragtay xaalado qatar ah, dadku waxaa ay iska hoos fadhiyaan Geedo aan wax caleen ah laheyn kuwaa oo aan ka celin karo kuleylka daran ee jira, sidoo kalena Caruurta iyo dadka waayeelka ah waa kuwo laga naxayo muuqaalkooda guud.

Waxaase intaa oo dhan ka sii daran xoolaha oo mar walba ah kuwa loo baxsado marka ay jiraan xaaladahan oo kale waxaa ay noqdeen kuwo marka ay indhahaagu qabtaan kugu ridayaan quus dhinaca nolsha ah, iyada oo nala tusay haraga xoolihi dadkaasi ka dhamaaday oo aan wax qiimo ah laheyn, Xoolaha qaarkoodna waa kuwo marka ay fariistan u baahan in gacanta lagu kiciyo.

Daahir Shire Mux'ed oo ah ruruka Sahanka sameeyay ayaa u sheegay HOL in uu ujeedadoodu aheyd oo kaliya bal in ay soo bandhigaan xaaladda dhabta ah ee heysata dadka ka soo barakacay abaarata ka jirata Itoobiya ee soo gaaray Gobalka Hiiraan, waxaana uu intaa ku daray in Xogta ay soo heleen u gudbin doonaan Hay'addaha Samafalka, NGOs Maxaliga ah, iyo waliba dadka Muxsiniinta ah si markaa loo caawiyo dadka dhibaateysan..

Sikastaba arrintu ha ahaatee, Gobalka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay Gobollada dalka oo ay gaaraan dadka ka soo barakacay dagaallada iyo abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka iyo waliba deegaanada ka fog, ilaa hadana ma jiraan Hay'ado si gaar ah arintaa ula socda, waxaana hubaal ah haddii ay arimuhu sidan ku sii socdaan in ay Nafaqo darro iyo Gaajo u dhiman doonaan dad badan oo hadda nafta ku sii jirto.







C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia