Ahmedou Ould-Abdallah oo sheegay in uu ku faraxsan yahay is-fahamka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta

Cabirka Farta

Wakiilka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Jimco, October 24, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu si weyn ugu faraxsan yahay is-fahamka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
 
“Aad ayaan ugu faraxsanaan doonnaa horumar kasta oo ka soo baxa Wada hadallada Jibouti. Haddii ay jirto Dowlad midnimo Qaran, halkaas ama meel kale, dadka Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn ku farxi doona, Annaga sidoo kale aad ayaan ugu farxi doonnaa”ayuu yiri Ould-Abdallah oo u waramayay Wakaaladad Wararka Reuters.
 
Danjire Ould-Abdallah oo maanta ku sii jeeda Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti si uu uga qeybgalo wada hadallo berri u bilaabanaya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiag Dib u xoreynta, waxaa uu sheegay in ay sameyn doonaan Qaramada Midoobay ahaan wax kasta oo ay ku guuleysan karaan dadaallada nabadda loogu raadinayo Soomaaliya.
 
Mar wax laga weydiiyay in ay sii kordheen dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga ka soo horjeeda, waxaa uu sheegay in uusan la yaabsaneyn qalalaasahaas, wuxuuna sheegay in ay sii socon doonaan, hayeeshee waxaa uu carrabka ku dhuftay in kuwa Xabad-joojinta saxiixa oo sida uu yiri  heysta taageerada Bbeesha Caalamka ay horay u sii socon doonaan.
 
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in wada hadallada Jibouti ay horumar u sameynayaan si mucjiso ah, wuxuuna sheegay in dhinacyada wada hadallada u socdaan ay aad isugu soo dhawaadeen.
 
“Waxaan heynaa iyagoo wax wada saxiixaya, u wada safraya Stockholm-Sweden, wada jir ula kulmaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Seminaar ku wada qaadanaya Koofur Afrika, taasina waxay iigu muuqataa aniga mid mucjiso ah”ayuu yiri Danjire Ould-Abdallah.

Ugu dambeyntiina, Danjire Ould-Abdallah waxaa uu soo dhaweeyay howlgallada lagula dagaallamayo kooxaha burcad badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay haatan si dhab ah khatar ugu arkaan Burcad Badeedka, “waqti ayay qaadaneysaa in Burcad Badeedka wax laga qabto, laakin taasi macnaheedu ma ahan in ay Burcad Badeedku xor yihiin, isla markaana ay geystaan dembiyo ku-talagal ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia