![]() |
| Madaxweynaha Dowladda Jibouti -Ismaaciil Cumar Geelle |
Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay in aysan labadaas shir wax saameyn ah isku yeelaneynin, isla markaana ay iskaabi doonaan, “labada shir isma burinayaan ee waa ay is-buuxinayaan, waxaana rajeynayaa in ay wax wanaagsan ka soo bixi doonaan labada shirba”ayuu yiri Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sheegay in labada maalmood ee soo socda Jibouti lagu saxiixayo heshiis xabad-joojin ah oo ay wada gaarayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kadibna waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay taageero ku bixiso sidii heshiiskaas uu u dhaqangeli lahaa.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka hadlayay Shir jaraa’id oo uu dhawaan ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu codsaday in shirka lagu qabanayo Kenya uu noqdo mid aan caqabad ku noqoneynin Wada hadallada Jibouti ka socda, wuxuuna rajeeyay in Shirka Kenya uu taageeri doono Wada hadalladaas.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Jibouti ayaa wuxuu mar kasta si sokeeyenimo ah waxaa uu uga hadlaa Xaaladda Soomaaliya oo inta badan Dalalka Beesha Caalamka ay u muuqdaan kuwo ka sii jeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in dalka Jibouti lagu qabtay seddex shir oo waa weyn oo xal loogu raadinayay Mushkiladda Dowlad la’aaneed ee Soomaaliya, kuwaasi oo uu ugu dambeeyo midka haatan ka socda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
