Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo gacanta ku soo dhigay Burcad Dhac iyo Kufsi geystay

Cabirka Farta

Jimco, October 24, 2008(HOL): Ciidamada Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Rag Burcad ah oo Dad safar ah dhac iyo kufsi u geystay.

Howlgal ay saaka aroortii sameeyeen ayay Ciidamada Maamulka Gobolka ku soo qabteen Burcaddaas, waxaana lagu xiray Saldhigga  Magaalada Jowhar iyagoo xukun sugayaal ah.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in Ragga Burcadda ah ee la soo qabtay la marsiin doono wixii ay shareecada Islaamka ka qabto falalka ay geysteen.

Dadka Safarka ah ee ay Burcaddan dhibaatada dhaca iyo kufsiga isugu jira u geysteen ayaa waxaa u gurmaday Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lagu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar, iyadoo la siiyay lacag ay ku sii safraan, bacdamaa lacagtii ay wateen laga dhacay.

Dadkan dhibaatada loo geystay oo ahaa kuwo ka cararayay Dagaallada Muqdisho ayaa waxay ku sii jeedeen Deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe, waxayna saarnaayeen markii la dhibaateynayay Gaari Bus ah oo ka qaaday Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia