Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in saxiixa Xabad-joojin ay la galaan Dowladda Federaalka uu ku xiran in la helo Qorshayaal ay ku baxayaan Ciidamada Itoobiya

Cabirka Farta

Jimco, October 24, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu shaaciyay in xabad joojin ay la saxiixdaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xiran tahay sida loo helo qorshayaal ay Ciidamada Itoobiya uga baxayaan marka hore Magaalooyinka waa weyn ee dalka, kadibna dalka Soomaaliya oo dhan.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka ee Isbaheysiga Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in aysan wax macno ah sameynin in la saxiixo xabad-joojin aan la dhaqangelineynin, wuxuuna caddeeyay in loo baahan yahay si ay xabad-joojinta u meel-marto in marka hore la helo ballanqaad ah in ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan.

Col. Cumar Xaashi waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhinacyada Soomaalida ah ee ku shirsan Dalka Jibouti ay ugu dambeynta saxiixi doonaan xabad-joojin iyo qodobo kale oo keeni karaan in ay dalka Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya.

Maalinta berri ah oo ay Bishan Oktoobar ku beegan tahay 25 ayaa waxaa mar kale dalka Jibouti ku shiraya Guddiyo Siyaasadda iyo Ammaanka qaabilsan oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Bil ka hor ayay ahayd markii ay Guddiyada labada dhinac ku guuleysan waayeen in ay saxiixaan heshiis xabad-joojin ah, waxaana taasi ugu wacnaa iyagoo isku qabtay qodob ku saabsan bixitaanka Ciidamada Itoobiya, kadibna u baahday in ay la-tashiyo ka soo sameeyaan qodobkaas oo ah mid aad xasaasi u ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia