Degmadii Seddexaad oo Gobolka Gedo ka tirsan oo Maamul Islaami ah looga dhawaaqay

Cabirka Farta

Khamiis, October 23, 2008(HOL): Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa looga dhawaaqay maamul Islaami ah oo dadka degmadaas ku dhaqan ku xukumi doona Shareecada Islaamka.

Maamulkan Islaamiga ah ayaa waxaa lagu sheegay in uu weyn ka qaban doono ammaanka Degmada Buur-dhuubo iyo Deegaannada la deriska ah, waxaana guddoomiyaha Maamulkan loo magacaabay Macallin Maxamuud Cabdi, Madaxa Ammaankana waxaa loo magacaabay Maxamed Deeq Cusmaan, halka Taliyaha Saldhigga Ciidamadana loo magacaabay C/raxmaan C/llaahi Saciid.

Dadka ku dhaqan Degmada Buur-dhuubo ayaa waxay soo dhaweeyeen maamulka Islaamiga ah ee loo sameeyay Degmadaas, waxayna sheegeen in ay rajeynayaan in maamulkan wax ka bedeli doono falal amni darro ah oo magaalada ka dhici jiray.

Ciidamo ka amar qaata maamulkan ayaa lagu arkayaa Saldhigga Booliska Degmada Buu-dhuubo, waxayna wadaan dhaqdhaqaaqyo ay amniga ku sugayaan, iyadoo aaney jirin cid kale oo hub ku dhex wadan karta Degmada.

Maamulkan Islaamiga ah ee  looga dhawaaqay Degmada Buur-dhuubo  ayaa wuxuu yahay midkii seddexaad ee looga dhawaaqo Gobolka Gedo, waxaana dhawaan maamul midkan la mid ah  looga dhawaaqay Degmooyinka Ceel-Waaq iyo Baardheere  ee Gobolka Gedo, iyadoo sidoo kalena la filayo in Deegaanno  kale oo gobolka ka tirsan looga dhawaaqo Maxkamado Islaami ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia